
Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu soo dhisi doono maamul tayo leh, kaddib shir jaraa’id oo uu maanta Baydhabo ku qabtay.
Shirka jaraa’id ee Shariif Xasan oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed oo ahaa kii ugu horreeyay oo uu qabtay ayaa ugu mahadceliyay intii taageertay uu ugu horreeyo madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanka ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono wasiirro aqoon iyo khibradba u leh howlaha maamulka saddexda gobol, isagoo xariiqay inuu mudnaanta koobaad siinayo dib u heshiisiinta bulshada ku nool gobolladaas.
Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobollada uu maamulkan cusubi ka talin doono inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo taageerada maamulka uu madaxda u yahay, wuxuuna xusay inay ka go’an tahay inuu soo dhaweynayo cid walba oo wax-tabanaysa.
Dowladda Somalia iyo beesha calaamka ayaa dhawaan si isku mid ah u soo dhaweeyay maamulka Koonfur-galbeed ee laga dhisay Baydhabo, iyagoo ku baaqay in la dhameystiro dhismaha maamulka, lagana qaybgeliyo kuwa wax tabanaya.
Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia ayaa ka talin doona gobollada kala ah; Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, inkastoo ay weli diiddan yihiin maamulka, xubnihii dhisay maamulkii midkan ka horreeyay ee lixda gobol.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya