
Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Iyadoo baarlamaanka Somalia Maanta oo Isniin ah yeelanayay kulan lagu horkeenayay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa waxay xildhibaanada mooshinka kasoo hor-jeeda ay jeex-jeexeen buuggii xaadirinta xildhibaannada iyo nuqullo ka mid ah mooshinka.
Wararka ayaa sheegaya in nuqullada ay jeexjeexeen xildhibaannadan ay ahaayeen kuwo loogu talogalay in loo qaybiyo xildhibaannada, inkastoo warar qaarkood ay sheegayaan in nuqullo la siiyay ay jeexjeexeen, balse lama oga xaaladda dhab ahaanteeda, maadaama ay saxaafaddu dibadda ka joogto kulanka.
Kulanka ayaa loo diiday saxaafadda iyadoo weli uusan gudaha u gelin xarunta guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana baarlamaanka ka taagan buuq fara badan oo ay sameynayaan xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda.
Ciidammo fara badan ayaa ku sugan gudaha xarunta baarlamaanka kuwaa loo la sheegay in loogu talogalay inay xakameeyaan xildhibaannada buuqa ka sameeyay labadii kulan oo hore gudaha baarlamaanka Somalia.
Sababaha saxaafadda loogu diiday kulankan ayaa las heegay inay qayb ka tahay iyadoo lagu eedeeyay inay buunbuuniyeen buuqa iyo jahwareerka ka jira xildhibaannada baarlamaanka dhexdooda.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu xarunta soo gaaro iyadoo aan la ogeyn tallaabada uu qaadan doono, welina waxaa gudaha ka taagan buuq fara badan oo ay xildhibaannada qaarkood sameynayaan.
Kulankan ayaa noqonaya kii saddexaad oo uu baarlamaanku Somalia yeelanayo oo buuq ay ka sameynayaan xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda, iyadoo xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka ay sheegeen inaanay ogolaan doonin in mooshinkaas uu meel-maro.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya