Faahfaahin ku saabsan Dagaalkii Maanta ka dhacay Degmada Balad-xaawo

Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Dagaalkii maanta ka dhacay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 10-qof oo lix ka mid ah ay yihiin shacabay madaafiic iyo rasaas kula dhacday gudaha degmadaas.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen afar askari oo cidamadii dagaalamayay ka mid ah, isagoo dagaalka ku eedeeyay ciidammo uu sheegay inay taageersan yihiin maamulka Jubba oo kasoo duulay degmada Dooloow.

“Mas’uuliyadda dagaalka iyo khasaarihii ka dhashay waxaa dusha u ridanaya guddoomiyaha degmada Dooloow oo amar ka diiday dowladda, Ciidanka AMISOM ee gobolka ku sugan iyo maamulkaba,” ayuu yiri Kaliil oo dowladda iyo AMISOM ka dalbaday in lasoo qabto guddoomiyahaas maxkamadna la horkeeno.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in weli dagaalku uu ka socdo degmada Balad-xaawo, uuna billowday markii ciidammo ka yimid degmada Dooloow ay weerar kusoo qaadeen degmada maanta barqadii.

“Dagaalka maanta dhacay dad badan oo shacab ah ayay waxyeello kasoo gaartay, waxaa jira guryo gubtay, mas’uuliyadda dhibaatadaas oo dhanna dusha waxaa u ridanaya guddoomiyaha Dooloow,” ayuu Kaliil hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Dooloow ka yimid ay magaalada ku dileen dhowr nabaddoon, kuwo oo uu shirqool u dhigayna laga hortagay, isagoo xusay in tirade guud ee ciidamada Dooloow kasoo duulay ay degmada ku dileen ay gaarayaan 12-qof oo shacab iyo waxgarad isugu jira.

Balad-xaawo oo u taalla meel ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa horay uga dhacay dagaal u dhexeeyay dhinacyada maanta ku dagaalamay degmadaas, kaasoo u muuqda mid awood maroorsi ah.

Ugu dambeyn, goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in shacabkii ku noolaa degmadaas ay gabi ahaan isaga barakaceen, marka laga reebo dad aad u tiro yar oo hantidooda ilaashanaya.

Guddoomiyaha degmada Dooloow ee lagu eedeeyay inuu dagaalka soo abaabulay uuna weerar kusoo qaaday degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeynta ku saabsan inuu isaguna dagaalka dabada ka riixayo.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dagaalladan soo laalaabtay ee ka dhacay degmada Balad-xaawo, kuwaasoo u dhexeeya ciidammo taageerayaal u ah maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee degmadaas ku sugan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya