Siilaanyo oo Qaabilay Aqoon-yahanno Reer Awdal ah oo ku Nool Maraykanka


Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sida jir ah maanta xafiiskoodda ku qaabilay aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Awdal ee ku nool waqooyiga Maraykanka.

Aqoonyahankan  ayaa madaxweynaha soo gaadhsiiyey dhambaal ay ugu hambalyeynayaan waxqabadka iyo horumarinta ay dalka gaadhsiiyeen mudadii ay hogaanka la wareegeen.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay aqoonyahanku si mug leh uga hadleen waxqabadkaasi xukuumaddan kulmiye samaysay mudadii ay xilka hayeen.

“Run ahaantii   hadaanu nahay  aqoon yahanka  iyo wax garadka  gobolka Awdal  ee degan  waqooyiga maraykanka, waxaanu si dhow ula  soconaa  talaabooyinka is daba jooga ah  ee dhinaca horumarka u socda  ee xukumad ahaan aad qaadeen,  waxaanu aad ugu farax sanahay in horukacaasi uu Raad ku yeeshay siyaasada arrimaha dibada iyo tan gudahaba,  waxaana xusid mudan  isbedaladaasi in  ay  yihiin  qaar  taabtay   bulshada reer Somaliland oo dhan,  kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin wadooyinka, waxbarashada,  caafimaadka,  amniga gudaha, arrimaha dibada, miisaaniyada  iyo waliba  qaar kale oo badani”ayuu ayey ku sheegeen qoraalkaasi ay u gudbiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, waxay ku bogaadiyeen socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray madaxawaynuhu kuna dhiiri gelinayay  wax-qabadka adeegyada bulshada, waxaanay tilmaameen inay markhaati cad ka bixinaya  waajibaadkii  iyo amaanadii ummada aad u hayseen ayey yidhaahdeen.

“Waxaa naga go’an in kaalintayada  annagoo isku duuban  aanu qaadano,  idinkuna barbar istaagno  dhisamaha  qaranka  iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa   horumarka  marba marka ka danbaysa   sii xoogaysanaya  kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu  taageero qarankeenu  kaga helayo    bulshada caalamka, ayay  ku soo gaba-gabeeyeen”ayey yidhaahdeen aqoonyahankan la kulmay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland