Guddoomiyaha cusub ee Degmada Howl-wadaag oo Xalay Xilka la Wareegay

Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee degmada Howl-wadaag ayaa xalay si ramsi ah ula wareegay xilka, iyadoo xafladda uu xilka kula wareegay oo ka dhacday xarunta degmadaas ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socda maamulka gobolka Banaadir.

Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada ayaa ka sheegay xafladda inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo mas’uulka cusub ee maamulka gobolku uu u soo magacaabay degmada, isagoo xusay inuu wax ka bari doono waayo-aragnimadiisii intii uu xilka hayay.

“Caawa inaan xilka wareejiyo aad ayaan ugu faraxsanahay, waayo qof walba oo xil loo dhiibay mar uun baa laga wareejinayaan, degmadanna waa tii ugu dambeysay degmooyinka gobolka Banaadir xilkeeda lagu kala wareego,” ayuu yiri Jacfar.

Sidoo kale, guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag ayaa ka codsaday guddoomiyaha cusub ee uu ku wareejinayo xilka inuu howsha halka ay marayso kasii wado, isagoo ku boorriyay inuu xoogga saaro ammaanka iyo soo celinta bilicdii degmada.

Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee degmada Howlwadaag, Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa isaguna sheegay inuu wax ka qaban doono amniga iyo in howsha uu kasii wadi doono halka ay maanta joogto.

“Howlwadaag waddooyinkeeda waa kuwo bilic ahaan aad u wanaagsan, waana mid ku timid waxqabadka bulshada deggen, waxaana maamukii hore leennahay howsha halkii aad keenteen ayaan kasii wadaynaa, illaa laga waayo degmada bac-madow,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee xilka la wareegay.

Ugu dambeyn, taliyaha hoggaanka saadka booliiska Somalia, Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo isaguna xafladda xil wareejinta ahayd ka hadlay ayaa ugu baaqay guddoomiyeyaashii hore inay la shaqeeyaan guddoomiyeyaasha cusub, si ay ugu guuleystaan howlaha horyaalla.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ku guuleystay inuu xilalkii kawada qaado dhammaan guddoomiyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo u magacaabay xilalka dhallinyaro yar-yar oo wax kusoo bartay dalalk dibadda qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya