Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo fadhigeedu yahay dalka Baritain ayaa sheegtay in weli qaar ka mid ah dalalka Afrika uu ka jiro jir-dilka loo geysto dadka dambiyada lagu qabto, kaasoo ay ciidanku u adeegsadaan inay dadka hadal kaga dhaliyaan.
Amnesty ayaa warbixinteeda ku sheegtay in baaritaan ay ku sameysay 140 dal oo caalamka ka tirsan ay ku ogaatay in weli jir-dilku mid ay ciidamadu isticmaalaan, iyadoo sheegtay inay diiwaan-gelisay noocyo badan oo jir-dil ah oo ka dhacay Afrika.
Xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo ayay hay’addu sheegtay in jir-dilku yahay qaab inta badan loo adeegsado si dadka xiran wararka looga dhaliyo, iyadoo sheegtay in dalalka falalkan sameynaya ay qaarkood yihiin kuwo ka mid ah kuwii saxiixay heshiiskii lagu mamnuucayay jir-dilka.
Dalalka ay inta badan ka dhacaan jir-dilka loo geysto dadka la xiray ayay ku sheegtay hay’addu inay ka mid yihiin: Itoobiya, Gaambiya, Kenya, Maali, Nigeria, Senegal, Sudan iyo Zimbabwe, iyadoo askartu ay garaacaan dadka xabsiyada ku jira - si xunna loo xiro, laguna hayo goobo cimilo ahaan aad u xun, isla markaana loo geysto xad-gudubyo dhanka galmada ah.
Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in 10-dal oo Qaaradda Afrika ku yaalla ay meel-mariyeen sharciyada mamnuucaya jir-dilka, inkastoo dalalka Afrika ay gabi ahaantood saxiixeen heshiiska xuquuqda aadanaha ee mamnuucaya jir-dilka.
Wrabixinta hay’adda ayaa lagu xusay in sannadkan 2014-ka oo ay 30-sano kasoo wareegtay markii ay Qaramada Midoobay ansixisay heshiiska lagu mamnuucayay jirdilka, kaasoo ku qasbaya dowladaha caalamka inay jir-dilka ka hor-tagaan, ayay hay’addu sheegtay in ugu yaraan 24 dal oo ah kuwa ka hooseeya saxaaraha uu weli caadi ka yahay jir-dilka. Iyadoo xukuumadaha ka jira dalalkaas ay jir-dilka u aqoonsan inuu dhibaato yahay.
Amnesty International ayaa sheegtay in 58% dadka Kenya ay ka cabsadaan jir-dil marka la xiro, halka 50% dadka Nigeria ay cabsi taa la mid ah qabaan marka la xiro.
Inta badan dadkii ay hay’addu su’aalaha weydiisy ayaa u sheegay in sharci cad oo looga hor-tagayo jir-dilka ay u baahan yihiin, si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka ay ciidamadu u geystaan marka la xiro.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya