Roobabka gu’ga oo si wanaagsan uga da’aya deegaanno ka tirsan G/Hiiraan

Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Iyadoo todobaadyadii aynu soo dhaafnay biyo la’aan baahsan oo laga soo sheegayay bartamaha Soomaaliya, ayaa saddexdii cisho ee la soo dhaafay waxaa siweyn uga da’ayay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan roobabkii xiligan gu’ga.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa xalay si wanaagsan uga da’ay roob lagu wada qaboowsaday oo biyo dhigay bartamaha magaalada iyo xaafaddaha qaar kuwaa oo caqabad ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

Marka laga soo tago magaalada Beledweyne waxaa roobab lagu diirsaday laga soo sheegayaan deegaannada dhulka miyiga ah oo meellaha qaar biyo dhigay balliyada ay xooluhu ka cabaan, taa oo rajo badan ku abuureysa dadka xoolo dhaqatada ah oo baahi weyn u qabay roobka.

Inkastoo wali cirku u muuqdo mid roobaad, waqti kastana la fillan karo in dhibicda raxmada Eebbe ku dul hoorto deegaannada laga soo sheegayo biyo la’aanta iyo jilalka darran, ayaa haddana la leeyahay roobabka saacadihii ugu danbeeyay da'ay ma'aha kuwo ku baahsan gobolka oo idil, waxaana jirta qeylo dhaan wali ka soo yeereysa qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah.

Marka laga soo tago dadka iyagu u dhibaateysan in ay roob helleen, ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa jira dadka cabanaya roobabka da'aya, waxaana saacadihii ugu danbeeyay cabasho xoogan muujinayay dadka barakacayaasha ee ku jira xeryaha ku yaalla daafaha iyo gudaha magaalada Beledweyne.

Dadkan oo qaarkood la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in dushooda uu ku baxay roobkii xalay ka da’ay magaalada Beledweyne, madaama ay ku nool yihiin guryo cooshado ka sameysan oo aan awood u laheyn in ay celiyaan dhibicda roobka.

Waxaa ay ka dalbadeen dadkan maamulka gobolka iyo hay’addaha samafalka in ay la soo gaaraan bacaha roobka laga gallo, madaama ka mid yihiin dad waayeel iyo caruur isugu jira oo aan u adkeysan karin qabowgga iyo dabasheysa la socta roobka.

Si kastaba ha ahaateen roobabkan ayaa haddii sii socdaan waxaa suurtagal ah in ay meesha ka saaraan baahida biyo la'aandeed ee dadka iyo duunyada ku haysa deegaanno ka tirsan gobollada dhexe Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya