Ban Ki-Moon oo sheegay in Gudniinka Fircooniga uu yahay xad-gudub weyn


Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in gudniinka fircooniga ah u xad-gudub ku yahay xuquuqda gabar kasta ,isla markaana loo baahanyahay in laga ciribtiro guud ahaan adduunka.

Jaha Dukureh oo ah gabar 24-jir ah una dhalatay Maraykanka ayaa hoggaaminaysa ololaha looga soo horjeedo gudniinkan ,waxaana cod bixin ay ka dhex samaysay websaydka Change.org ololaheeda taageeray dadweyne kala  duwan oo adduunka daafihiisa ku kala nool.

Waxaa Dukureh arintan kala shaqaynaya masuuliyiin ka tirsan dowladda Obama oo ay kamid yihiin Joe Crowley , Nafissatou Diop  iyo tafaftiraha wargayska the Guardian Alan Rusbridger si looga hortago khatarta uu leeyahay gudniinkan.

Cilmi baaris uu sameeyay  cisbital dumarka kaliya qaabilsan oo ku yaalla Boston ayaa sheegaysa in  228,000 oo dumar ah kuna nool gudaha Maraykanka ay la dhibtoonayaan gudniinka fircooniga ah.

“Waa mid kamid xad-gudub-yada xuquuqul-insaanka ka soo horjeeda ,waana in loo istaaga sidii aan uga tir-tiri lahayn meelo badan oo adduunka ah “ayuu yiri Ban Ki-Moon oo ka hadlayay dhibaatada ay dumarku ku qabaan arintan.

“Xiligan la joogo waxaan dareemayaa in dowladda ay ka cabsanayso ka hadlidda gudniinka firconiga h ,sababtoo ah waa mid kamid ah dhaqamada dadka Afrikaanka ah ,lamana xakamayn karo,“ ayay tiri Dukureh oo la hadlaysay Guardian.

Ugu danbayntii ololahan waxaa horey uga bilowday Ingiriiska gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fahma Maxamed ,waxaana qorshaha Fahma taageeray xog-hayaha wasaaradda waxbarashada England Michael Gove iyo Ki-Moon.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]