Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Ururka haweenka magaalada Kismaayo oo mudooyinkii u danbeeyay waday olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda magaaladna Kismaayo, ayaa waxa ay maanta ololahaasi ka bilaabay warshaddii hore ee Hilibka ee magaalada Kismaayo.
Gudaha xaruntii hore ee warshadda hilibka ayaa maanta lagu arkayay haween aad u badan oo ka fulinaya howlo nadaafadeed, waxaana sidoo kale ololahan ka qeybqaadanayay gaadiid nooca iska-rogeyaasha loo yaqaan.
Guddoomiyaha ururka haweenka Jubooyinka Batraan Muxumed Cabdulle oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ololahan ay maanta fulinayaan uu yahay mid iskaa wax u qabso ah, islamarkaana aysan jirin cid dhaqaaule ku siineeysa.
“Ololahan aan wadno waxaan ka fulin doonnaa shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo, ma jirto cid dhaqaale nagu siineeysa, inaga ayaa garannay in aan qashinka iska nadiifinno si ay usoo noqoto bilicdii magaalada, loogana badbaado cudurrada ka dhasha qashinka,”ayay Marwo Batraan hadalkeedii raacisay.
Ololahan ayaa imanaya iyadoo barakacayaasha ku dhaqan magaalada Kismaayo ay iyagu dhankooda bilaabeen olole kan la mid ah oo ay ka fulinayeen xerooyinka ay ku noolyihiin ee magaalada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya