Ra’iisul Wasaaraha oo Diyaarad Dhaawacyo soo Qaadda u diray Baydhabo

Talaado, May 13, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta diyaarad soo qaadda dhaawacyadii shalay ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee magaalada Baydhabo ka dhacay shalay oo Isniin ahayd.

Dhaawacyadan ayaa waxaa qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus, waxaana lagu wadaa in diyaaraddu ay soo qaaddo dhaawacyada halista ah si Muqdisho loogu daaweeyo.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C/weli oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradda uu ra’iisul wasaaruhu u diray Baydhabo ay soo qaadi doonto dhaawacyada halista ah.

“Waxaa diyaaraddan ay soo qaadaysaa dhaawacyada aadka u daran dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii Baydhabo ka dhacay, waxaana dhaawacyadaas la dhigi doonaa isbitaallada Muqdisho si ay u daweyso,” ayaa afhayeenku ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Baydhabo oo mas’uuliyaddiisu ay sheegatay Al-shabaab waxaa ku dhaawacmay in ka badan 25-qof oo isugu jiray dad shacab ah iyo askar, waxaana dhaawacyadaas la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo.

Dhakhaatiirta isbitaalka Baydhabo ayaa sheegay inay dhaawacyada ku jiraan kuwo aysan waxba uga qaban karin Baydhabo, taasoo keentay in C/weli uu u diro maanta diyaarad si dhaawacyada wax looga qaban waayay Baydhabo ay u soo qaaddo.

Afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid dowladdu ay ku doonayso inay ku caawiso shacabkeeda dhibaatadu ay soo gaartay, iyadoo qaraxan ay si wadajir ah u cambaareeyeen madaxda dowladda iyo ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya iyo AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya