Xulka Dalka Talyaaniga oo ku biiray Xulalka ka haray Koobka Adduunka 2014


Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Xulka dalka Talyaaniga ayaa ku biiray xulalka ka haray koobka Adduunka 2014 ee ka socda dalka Brazil, kaddib markii ciyaartii ugu dambeysay wareegga koowaad oo ay caawa la yeesheen xulka dalka Uruguay looga badiyay 1-0.

Ciiyaartan oo ahayd mid adag ayaa waxaa xulka dalka Uruguay u suuro-gashay in ay gool ka dhaliyaan xulka Taliyaaniga daqiiqaddii 81-aad ee ciyaarta qaybteedii dambe, waxaana u dhaliyay laacibkooda Diego Godin.

Guusha xulka kubadda cagta ee Uruguay ayaa sabab u noqday in xulka Talyaanigu ka haro koobka Adduunka ee sannadkan ka dhacaya dalka Brazil, waxaana la haray xulka Britain, Spain iyo kuwo kale.

Daqiiqaddii 54-aad ayaa xulka Talyaaniga laga saaray ciyaaryahan Claudio Marchisio oo khalad ku galay ciyaaryahanka reer Uruguay, Egidio Rios taasoo ciyaartoyda Talyaaniga ka dhigtay 10-ciyaartoy oo keliya.

Inkastoo xulalka Talyaaniga uu dadaal badan sameeyay ayaa haddana waxaan suuro-gal u noqon inay gool dhaliyaan, iyadoo xulka Uruguay ay u suurogashay inay dhaliyaan gool madax ah.

Xulka dalka Ingiriiska oo goor hore la xaqiijiyay inuu ciyaaraha ka haray ayaa aad ugu farxay guul-darrada ku dhacday xulka Talyaaniga, waayo Talyaaniga ayaa u sababa ahaa inay Ingiriisku ka haraan ciyaaraha Adduunka, kaddib ciyaartii ugu horreysay oo uu Talyaanigu kaga adkaaday Ingiriiska 3-1.

Ciyaartoyda dalka Talyaaniga ayaa ooyay markii ciyaartu dhammaatay, iyadoo ay si aad ah dabaal-dagyo u sameynayeen ciyaartoydii kooxda Uruguay oo si rasmi ah u xaqiijiyay inay wareegga labaad ee ciyaaraha u soo baxeen, iyadoo guusha Italy ay ku xirnayd guul ay ka gaaraan ciyaartii caawa.

Illaa hadda waxaa xaqiijiyay u soo bixitaankooda Koobka Adduunka xulalka dalalka Netherlands, Brazil iyo kuwo kale, iyadoo Netherlands ay guul ka gaartay saddexdii ciyaarood ee ay yeelatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya