Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa beenisay in ciidamada Kenya ay duqeymo cirka ah ku dileen 80-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, iyadoo afhayeen u hadlay kooxdan uu sheegay inay afar gaari oo kuwa dagaalka ah kaga gubeen ciidamada Kenya, dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.
Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Jubbada, Sheekh C/raxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in hadalkaas uusan sal iyo raad lahayn, balse ay jiraan in diyaaradaha Kenya ay ka geysteen duqeyn meel war-sheelle la yiraahdo oo ku dhow Kudhaa.
“Hadalka ay sheegtay AMISOM ee ah inay dileen 80 ka mid ah mujaahidiinta waa mid aan jirin, waa been aan sal iyo raad lahayn. Waxay gantaalo ku dhufteen meel cidlo ah oo ku dhow Kudhaa, markhaatiyaal ayaa jooga xitaa neef xoolo ah kumuu dhiman,” ayuu yiri Sheekh Xudeyfa.
Sidoo kale, guddoomiyaha Al-shabaab ee Jubbooyinka ayaa sheegay in afar gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya ay ku gubeen deegaanno u dhexeeya Badhaadhe iyo Kulbiyoow, kaddib markii weerar gaadmo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab.
“Dagaalkan wuxuu ahaa mid gaadmo ah, waxaana ciidamada Kenya oo waddadaas maraya loo dhigay miinooyin, waxaana halkaas kaga dhintay in ka badan toban askari, waxaana sidoo kale kaga bas-beelay afar gaadiidka dagaalka ah,” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Xudeyfa.
Hadalka mas’uulkan ka tirsan Al-shabaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay shalay baahisay AMISOM inay duqeymo cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaannada Caanoole iyo Kulbiyoow ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen 80-xubnood oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayna ku burburiyeen gaadiid dagaal.
Dhanka kale, AMISOM ayaa iyaduna weli ka hadlin hadlka kasoo yeeray Sheekhan oo ah inay ku dileen dagaal gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose in ka badan toban ciidamada Kenya ka tirsan, ayna ku gubeen gaadiid dagaal.
Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan iyadoo dagaallada ugu badan ee ciidamadooda iyo kuwa AMISOM dhexmara ay ka dhacaan gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya