Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho uga qayb-galay kulan looga hadlayay Hiigsiga Cusub oo ka dhacay Xalane oo ah taliska guud ee ciidamada AMISOM.
Shirkan ayaa waxaa kas qayb-galay wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirri-gelinta, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka, qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, safiirrada dalalka safaaradaha ku leh Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Bangiga Adduunka iyo dublamaasiyiin ka socda beesha calaamka.
Shirka oo si wadajir ah ay u shir guddoominayay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nickolas Kay ayaa waxaa inta uu socday la iskula soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin wixii kasoo baxay shirarkii ka dhacay Britian iyo Belgium iyo sidoo kale ballan-qaadyadii Somalia shirarkaas loogu sameeyay, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu shirka ka jeediyay qudbad ku saabsan wax-tarka barnaamijka New Deal uu u leeyahay Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii shirka maanta kasoo baxay oo ay ugu muhiimsan tahay inuu jiro shir kan la mid ah oo lagu qaban doono dalka Denmark.
Kuklankan ayaa a mid sannadkiiba dhowr jeer la qabto, looga hadlo barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo ah in si wanaagsan loogu faa’iideysto deeqaha uga yimaada Soomaaliya caalamka, sidoo kale shirka maanta ayaa wuxuu hordhac u ahaa shir kale arrimaha hiigsiga cusub looga hadlayo oo bisha November 2014-ka lagu qaban doono magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya