Hay’ada Samfalka Qatar oo deeq lacag ah Gaarsiisay 422-qoys oo dan-yar ah


Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Hay’adda samafalka Qadar ee Qatar Charity ayaa deeq lacageed u qaybisay maanta qoysas gaaraya 422-qoys oo ka mid ah qoysaska dan-yarta ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Deeqdan ayaa kusoo beegantay xilli loo diyaar-garoobayo bishii barakeysan ee Ramadaan taasoo ay u kaalmeysan doonaan qoysaska deeqdan ka faa'iideystay howlaha Ramadaanka sida afurka iyo suxuurta.

Sheekh C/xayi Sheekh Aadan oo goobta ka hadlay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed inay is-kaalmeeyaan inta lagu jiro bissha Ramadaan ayna iska war-hayaan, ducadana ay badiyaan, isla markaana ay ku daydaan dadka muxsiniinta ah ee soo kaalmeeyay qoysaskan iyagana ay sii kaalmeeyaan dadka kale.

Madaxa xafiiska Soomaaliya ee hay’adda Qadar Charity, Maxamed Xuseen Cumar oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in qoyskan ay kusoo xuleen habda sida ay u kala daran yihiin, wuxuuna intaas ku daray inay sii wadayaan kaalmooyinka ay u fidinayan qoysaska dan-yarta ah ee Soomaaliyeed.

“Barnaamijkan lagu caawinayo qoysaska dan-yarta ah ee Soomaaliyeed ayaa kasoo billowday laba qoys, haddana wuxuu sii marayaa 422-qoys, rajana ay ka qabo inuu sii bato, waxaana ka codsanayaa qoysaskii ka faa’iideystay barnaamijkan inay u duceeyaan cid Alla iyo cidii gacan ka geysatay deeqdan lacageed,” ayuu Maxamed Xuseen ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, dadkii ka faa’iideystay deeqdan ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee mar kasta loosoo gaarsiiyo deeqaha noocan oo kale, waxayna caddeeyeen inay aad ugu faraxsan yihiin xilli ay u baahnaayeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda Somalia, Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan ayaa uga mahad-celiyay hay’adda sida ay mar walba u taageerto dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed, isagoo hay’adaha kale ku boorriyay inay gar-gaar u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay soo dhow-dahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hay’adda Qadar Charity ayaa ka mid ah hay’adaha gargaarka ka bixiyay dalka Soomaaliya, iyadoo xoogga saarta wax u qabashada agoonta, waxbarashada, caafimaadka iyo wax walba oo faa'iido u leh shacabka Soomaaliyeed; waxayna deeqdan kusoo aadday xilli ay qoysaska u baahnaayeen gargaar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya