Hay’adda Ogaal Welfare oo tababar u soo gunaanaday 300 oo dhallinayaro ah


Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Hay’adda Ogaal Welfare Society Organization ayaa u soo xirtay maanta tababar aqoon-kororsi ah oo ay ku qabatay Muqdisho 300 dhallinayaro ah, kaasoo socday shan maalmood waxaana dhallinyarada ka qaybgalay ay ka kala socdeen 30 urur oo ka howlgala Koonfurta Soomaaliya.

Barnaamijka ayaa halku dhiggiisu ahaa - Dhallinyarada maanta waa hoggaamiyeyashii berri  - Today’s Youth are Tomorrow's Leader II, wuxuuna ahaa tababarkii labaad oo sannadkiiba loo qabto dhallinyaro Soomaaliyeed.

Urur walba ayaa waxaa ka socday 10 ruux iyadoo wadarta guud ay noqonayso 300 oo dhallinyaro ah oo isug jira gabdho iyo wiilal, kuwaasoo la siiyay shahaadooyin ka tarjumaya aqoontii ay kororsadeen.

Tababarkan ayaa waxaa maal-galisay hay’adda Swedish International Development Agency (CIDA), iyadoo lasoo mariyay hay’adda SYD iyo AFRO, waxaana fulisay hay’adda waddaniga ah ee Ogaal.

Intii siminaarku uu socday waxaa casharro muhiim ah ka bixinayay afar macallin oo aqoontoodu ahayd heer jaamacadeed, iyadoo mas’uuliyiintii ka hadashay oo uu ka mid ahaa xog-hayaha guud ee hay'adda Ogaal, Aadan Xuseen Xaaji oo ku boorriyay dhallinyarada inay aqoonta ay barteen u gudbiiyaan bulshada qaybaheeda.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ahaa mid si weyn dhallinyaradu uga soo qayb-gashay aadna u xiisaynayay, waxaana dhallinyaradu dalbanayeen in muddada tababarka la kordhiyo loona joogteeyo. 

Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka faa’iidaysatay, isla markaana shahaadooyinka la guddoonsiiyay ayaa uga mahad-caliyay dhammaan hay’adihii soo agaasimay iyo kuwii fuliyay tababarkan.

Siminnaarkan ayaa ahaa mid loogu talo-galay in aqoonta dhallinyaradda ku sugan dalka sare loo qaado si ay hoggaaminta dalkooda isugu diyaariyaan, isla markaana la abuuro in mustaqbalka la helo dhallinyaro dalkooda iyo dadkooda wax u qaban kara lehna karti siyaasadeed iyo maamul wanaag.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa noqon doona mid joogta ah oo ururrada ay ka kala socdeen dhallinyaradan loo qabtay, iyadoo tababarka dambe laguna mari-qaadayo dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya