Ciqaabta uu la kulmayo qofkii ka Ganacsiga ama Cuna Qaadka gudaha Britain


Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Laga bilaabo maanta oo talaado ah dalka Ingiriika waa laga joojiyay cunista iyo ganacsiga maandooriyaha Qaadka, iyadoo qofkii lagu qabtana loo aqoonsan doono in uu jabiyay sharciga guud sida lagu xusay war-ay dowladda ka soo saartay arintan oo ay dad badani soo dhaweyeen.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa si gaar ah uga hadlay arintan oo muddo soo jiitamaysay si go’aan kama danbays ah looga gaaro, waxaana jira sharciyo gaar ah oo lagu qaadi doono cidii lagu helo danbigan.

Shariciga  koowaad ayaa ah (First offence)  oo ah digniin la siinayo qofka lagu helo danbigan sharciga  labaad ayaa ah  (Second Offence) oo  ah ganaax dhan 60 Pound, halka kan sadexaadna uu yahay (Third offence) oo ah xabsi lala tiigsinayo qofka ay ku cadaato arintan.

Qaadka ayaa ka noqon doonaa boqortooyada Ingiriiska (Class C drug), waxaana qofkii lagu helo uu ku mutaysanayaa xabsi u dhaxeeya 2- ilaa 14 sano sida uu dhigayo sharciga kala saraynta maandooriya-yaasha England.

Sidoo kale sharciyadan waxa ay si toos ah uga dhaqan galayaan Scotland, Northern Ireland iyo waliba Wales ,waxaana olalaha lagu mamnuucayo qaadka dhowr jeer oo hore ka fariistay masuuliyiinta dowladda ugu sareysa iyo qaar kamid ah bulshada Ingiriiska.

“Ugu horreyn, waxaa naga saaran waajib in la ilaaliyo xubnaha nugul ee bulshada, sidaa daraaddeed maandooyaha qaadka waa ka mamnuuc dalkan, Waxaana u haysannaa sababaha wanaagsan ee aan tallaabadan u qaadnay inay tahay inuu jaadku dhibaato ku hayay caafimaadka bulshada “ayuu yiri raysul-wasaaraha Ingiriiska oo waraaq uu kaga hadlayay arintan u soo diray HOL.

Ugu danbayntii booliiska dalkan oo dhan  ayaa lagu war-galiyay in ay u  fasaxan yihiin soo xiridda cid kasta oo ku lug yeealata ka ganacsiga iyo waliba cunistiisa, waxaana mar horeba sii bilowday arimaha looga hortagayo maandoriyahan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]