Maxkamadda Ciidamada Puntland oo maanta Xukunno kala duwan Ridday

Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan ku riddey 13 qof oo dembiyo kala duwan ku eedeysnaa.

10 ka mid ah dadka maanta la xukumay, waxaa loo haystay dembi ah labo gaari oo nooca xamuulka qaada ah una rarnaa Hay'adda Cuntada Adduunka (WFP), kuwaas oo bishii agoosto ee sannadkii hore ee 2013 lagu gubey meel u dhow tuulada Yalho oo qiyaastii 55km dhanka koonfureed magaalada Boosaaso kaga beega.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Haylaan iyo Sanaag C/fataax Xaaji Aadan ayaa xukunka ku dhawaaqay, wuxuuna eedeysaneyaasha gawaarida gubey ku xukumay  inay bixiyaan $166,805 (boqol lixdan iyo lix kun siddeed boqol iyo shan doollar), lacagtaas oo ah qiimaha gawaarida la gubey iyo weliba hantidii ay sideen.

Dhanka kale, waxay maanta maxkamadda ciidamadu xukuntay askari horay dil u geystey iyo labo nin ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Askariga waxaa lagu xukumay in uu mag bixiyo maadaama uu si aan ula kac ahayn wax ku diley, labada qof ee Al-shabaab inay ka tirsan yihiin ku eedeysnaa iyaga waa lasii daayey kaddib markii wax dembi ah lagu waayey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya