Talaado, June 24, 2014 (HOL) — Shir hal toddobaad ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, iyadoo lagu doortay hoggaanka urur ay sameysteen suxufiyiinta ka howlgala gobolka Bay.
Xilikan ayaa waxaa loo doortay, Muxyadiin Xasan Maxamed (Xusni) iyadoo sidoo kale loo doortay ku-xigeenkiisa, C/qaadir Barre Macallin, waxaana loo magacaabay guddoomiyaha golaha dhexe ee ururka, C/qaadir Axmed Minot halka ku xigeen loo magacaabay, C/qaadir Maxamed Xasn (Iyeey), Goobta doorashada waxaa joogay siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada Koonfurta Soomaaliya.
Munaasabada doorashada ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha cusub ee ururka, Muxyadiin Xusni isagoo sharraxay waxyaabaha uu qabanayo mustaqbal, inuu la shaqeyn doono gabi ahaan wariyeyaasha gobalka iyo xubnaha hoggaanka ururka.
Waxaa kaloo ka hadlay munaasabadda, Dr. Fowzi C/nuur oo ah afhayeenka golaha aqoon-yahannada iyo siyaasiga Yuusuf Maxamed Kheer (Guuroow)oo labaduba si aad ah u soo dhaweeyay dhismaha ururkan, waxayna ku boorriyeen mas’uuliyiintu inay la yimaadaan wax-qabad wanaagsan.
Ururkan ayaa hoggaamin doona wariyeyaasha ka howlgala gobolka Bay, waxaana uu kusoo beegmayaa dhismihii xilli ay xiisado siyaasadeed ka taagan yihiin gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaas.
Hiiraan Online, Baydhabo