
Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo odayaal dhaqameedyo ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay u kuur galayaan xaaladda gobolka iyo colaad u dhexeyso beelo oo dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolkaas oo ay ka mid tahay magaalada xarunta ah ee Marka, iyadoo lagu wado in la kala qaado malleeshiyada dagaallamay.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay haatan kulamo kula leeyihiin odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, iyagoo kala hadlaya sidii xaaladda loo dejin lahaa, loona sameyn lahaa dib u heshiisiin.
C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan sidii nabad ay u dhex-dhigi lahaayeen labada dhinac ee dagaalamay, isla markaana dib loogu celi lahaa deegaannadii ay ay ka yimaadeen.
Waxaa kaloo la sheegayaa in ciidammo Soomaali iyo AMISOM ka tirsan la kala dhex-dhigo dhinacyada dagaalamay, iyadoo sidoo kale la sameyn doono guddi ka kooban labada dhinac oo dib u heshiisiinta ka qeyb qaata.
Degmada Marka ayaa la sheegayaa inay daggan tahay, inkastoo ay weli gacanta ku hayaan malleeshiyadii maalin ka hor la wareegtay, waxaana inay wafdigan ka mid noqdaan diiday xildhibaannada kasoo jeeda deegaanka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya