Mas'uuliyii badan oo dowladda ka tirsan, saraakiil ka socdey Midowga Yurub -gaar ahaan Talyaaniga-, madax dhaqameed, culimaa'uddiin iyo marti-sharaf kale oo ka kala socotey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xafladdaas kasoo qayb galay.
Madaxweyne Gaas oo isagu msharuuca lagu dhisayo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka magaalada Boosaaso maanta si rasmi ah u daah furay, ayaa ku tilmaamay mashruucan guul usoo hoyatey dadka Soomaaliyeed oo dhan.
Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in qandaraaska dhismaha garoonka ay ku guuleysatey shirkad fadhigeedu uu dalka Shiinaha yahay, laguna magacaabo China Civil Engineering Contraction Corporation (CCECC).
"waxanu siinay mashruucan Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC), waa shirkad aad u weyn, waana middii dhistay jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya Tansaaniya iyo Saambiya" C/weli Gaas ayaa sidaas yiri.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Isagoo sharraxayey sababta lagu doortay shirkaddaas waxaa Madaxweynaha hadalladiisii kamid ahaa: "sababta aanu u dooranay waxay ahayd lacagta loogu talagalay garoonka cidda ugu dhow ee sheegatay ayey shirkaddaasi ahayd, Dowladda iyo shacabka Puntland lacag yar ayaa kaga soo aadaysa oo mashruuca lagu kaabayo"
Markii ay xafladdaasi soo gaba gabowday, wuxuu Madaxweynaha Puntland booqday Hotelka Gacayte oo ah kii ugu horreeyey ee magaalada Boosaaso laga furo balse bilihii u dambeeyey dayactir ballaaran lagu wadey, dhowaanna si rasmi ah xarigga looga jiri doono.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya