
Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Xogag ay bixiyeen goobjoogayaal si khasab ah ay rag hubeysan kufsi ugu geysteen ama galmo lagu qasbay si lacag looga helo ama loo xiray loona jir galmo, ayaa kicisay dareenka dad badan oo ka qayb-galay shir looga hadlayo xadgudubyada loo geysto haweenka oo ka furmay magaalada London ee xarunta dalka Britain.
Tobannaan kun oo haween ah ayaa dhibaatadan oo kale kula kulmay dalalkooda sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo noloshoodu ay muddo khatar weyn ku jirtay iyadoo tani ay ku beertay haweenkaas dhibaato xooggan oo aan ka harayn illaa inta ay nool yihiin.
Shirkan ayaa waxaa tagay qaar ka mid ah haweenka dhibaatooyinkaas kufsiga ah loogu geystay dalalkooda, waxaana ka mid ah haween ka tagay dalka Bosnia, halkaas qiyaastii 50,000 oo haween ah iyo tiro aan la ogeyn oo ay kufsadeen rag askar ah afartii sano ee uu dalkaas ku jiray colaadda.
Kulanka ayaa laga sheegay in haweenka la kufsaday ay dalalka qaarkood kala kulmaan dhibaatooyin takoor ah, taasoo sababta in haweenkaas aanay helinba guur iyo nin guursada.
Dalalka ay inta badan ka dhacaan kufsiyada loo geysto haweenka ayaa la xusay inay ka mid yihiin: Suuriya, Koonfurta Suudaan, Afrikada Dhexe iyo Soomaaliya
“Waxaan ka codsan doona dalalka shirka ka qaybgalaya inay sameeyaan sharci ka dhan ah kufsiga iyo xad-gudubyada galmada si looga jaan-gooyo caalami oo dhan dhaqanka foosha xun,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee UK William Hague oo ka hadlay furitaankii shirka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ugu baaqayaa dhammaan ciidamada nabad-ilaalinta ah in la tababaro si ay u fahmaan ka hortagga rabshadaha galmoodka. Waayo waxaan doonaynaa buu yiri in ka hortagga xadgudubyada uu kufsigu ka mid yahay ay noqoto arrin caalami ah.
“Dalalka dunida waxaan uga digaynaa inay gacan siiyaan kuwa geysanaya falal, lana xoojiyo ugaarsiga ragga sida weyn uga dambeeyay xadgudubyada kufsiga sida Joseph Kony oo kale. Waxaan sidoo kale weydiisanaynaa kuwa ku bixinaya dhaqaalaha si loo badbaadiyo iyo hay’adaha la shaqeynaya inay ka faraha kala baxaan caawintiisa,” ayuu hadalkiisa ku daray Hague.
Shirka ayaa laga sheegay in xadgudubyada kufsiga ah uu ka dhaco in ka badan saddex meelood afar dalalka horay u sameystay sharciyada looga hortagayo galmoodka sharci-darrada ah.
Ugu dambeyn, xubnihii shirka ka hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay awoodda saaraan sidii dunida oo dhan looga cirib-tiri lahaa galmada sharci-darrada ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya