Horyaalka Kubadda Cagta gobollada PL oo Garoowe ka furmay (SAWIRRO)


Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Waxaa shalay si rasmi ah goroonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe uga furmay Horyaalka Kubadda Cagta ee Gobollada Puntland.

Xafladdii furitaanka waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin badan oo dowladda Puntland ka tirsan, uuna kamid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka C/xakiim C/laahi Camey.

Ciyaartii ugu horreysa ee tartanka lagu furay ayaa dhex martay Xulka Gobolka Nugaal oo isagu sannadkii hore koobka qaaday iyo Xulka Gobolka Haylaan.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan, waxaana gool ku hormaray Xulka Nugaal inkastoo daqiiqado kaddib ay Xulka Haylaan iyaguna goolkii barbar-dhaca ahaa la yimaadeen.

Galabta waxaa ciyaari doonta qaybta hore Xulalka Mudug iyo Cayn, qaybta dambena waxaa  isku arki doona xulalka Bari iyo Sanaag. Ciyaaraha galabta ayaa ah kuwo aad u xammaasad badan.

Kumannaan dadweyne ah oo dhallinyaro u badan ayaa garoonka soo buux dhaafiyey, waxaana xusid mudan in qiimaha ciyaaraha lagu daawanayaa uu yahay 10,000Sh.so oo u dhiganta $0.5(nus doolar).

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya