
Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa ka qaybgalay kulankii 26-aad ee aan caadiga ahayn ee urur-goboleedka IGAD oo lagu soo gabagabeeyay xalay magaalada Addis Ababa, iyadoo kulankan looga hadlay xaaladda dalka Koonfurta Suudaan.
Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa waxaa ka qayb-galay madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, madaxweynaha Uganda, Yuweri Kaguta Museveni, madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, Madaxweyne ku-xigeenka Sudan Bakri Xasan Saalax, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, wakiillo ka socday IGAD iyo xubno ka yimid Qaramada Midoobay, Shiinaha, Midawga Yurub, Norway, Ingiriiska iyo Maraykanka.
Gabagabada kulanka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18-qodob, iyadoo madaxweynaha Koonfurta Sudan iyo madaxweyne ku-xigeenkiisii hore, ahna hoggaamiyaha mucaaradka, Reik Machar loogu baaqay hir-galinta heshiiskii ay kuwada gaareen magaalada Addis Ababa 09-kii May, 2014.

Waxaa xilligaas lagu heshiiyay in lagu xalliyo dhibaatooyinka ka taagan dalkaas in la joojiyo colaadaha iyo in laga wadahadlo dhismaha dowlad KMG ah oo laga wada-qaybgalo si loo gaaro midnimo Qaran.
Sidoo kale, waxaa loogu baaqay dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan inay u oggolaadaan shaqaalaha hay’adaha gargaarka inay deeqo gaarsiiyaan dadka ku nool goobaha khilaafku ka taagan ee Koonfurta Suudaan.
Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa kulankaasi kaddib yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan magaca Somalia uga qeyb galay kulankan 26-aad ee IGAD ee looga hadlay khilaafka ka taagan Koonfurta Sudan. Waxaan mar walba diyaar u nahay inaan kala shaqayno IGAD horumarinta iyo dib-u-heshiisiinta iyo wada-hadallada gobolka.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda iyo mucaaradkaba inay ka wada shaqeeyaan sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha ay heshiiska ku gaareen ee lagu soo afjarayo colaadaha. Waa arrin muhiim ah in dhammaan dhinacyadu ay ku dadaalaan xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, waana inay shaqaalaha gar-gaarka ka shaqeeya u ogolaadaan inay dadka ku nool goobaha ay colaaduhu ka jiraan gaarsiiyaan mucaawinooyinka,” ayuu yiri C/weli Sheekh Axmed.
Ugu dambeyn ra’iisul wasaaruhu wuxuu yiri: “Waxaan u rajaynaynaa walaalaha Koonfurta Sudan inay ku guulaystaan wada-hadallada, annaguna waxaan mar kasta taageersannahay dadaallada lagu xalinnayo kihlaafka.”
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya