Dowladda Talyaaniga oo lagu eedeeyay inay dayaceen qoxootiga fara badan

Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ayaa dowladda Talyaaniga ku eedeysay inay dayacday boqolaal qoxooti ah, ayna ku xareysay meel gaadiidka la dhigto oo ku kala yaalla Roma iyo Milan. Iyadoo ha’yaddu ay intaas ku dartay in qoxootigan lagu xareeyay goobahaas iyagoo aan haysan, cunno, kabo iyo lacag midna.

Eedeyntan ayaa timid iyadoo dowladda Talyaanigu ay hardan xooggan kula jirto sidii ay uga hortegi lahayd hirar dad ah oo dalkeeda kasoo galaya xeebaha ay la wadaagaan dalalka Afrika.

Sannadkan ayaa waxaa dalka Talyaaniga galay qoxooti tiradoodu gaarayso 50,000 oo qof, kuwaasoo la mid ah tiradii gashay dalka Talyaaniga sannadkii lasoo dhaafay ee 2013-ka oo dhan.

UNHCR ayaa sheegtay inaan la aqbali karin sida uu dowladda Taliyaanigu ay ula dhaqmayso qoxootiga ka yimid dalalka: Soomaaliya, Suuriya iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika, kuwaasoo kasoo dagay maalin ka hor xeebaha Sicily, iyadoo Roma iyo Milan loo qaaday, halkaasoo ay ku dayacan yihiin.

"Waxaa jiray laba kooxood oo u dhexeeya 160 illaa 170 qof. Mid ka mid ah kooxaha waxaa la geeyay meel u dhow Rome, kooxda kalena meel u dhow Milano," ayay tiri Carlotta Sami oo ah afhayeenad u hadashay UNHCR.

Qoxootiga la geeyay agagaarka Roma ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo gooba laga diiwaangeliyo qoxootiga oo ku yaalla Roma, halka kuwa la geeyay Milano ay weli ku jiraan baakinnada gaadiidka la dhigto.

Afhayeennada UNHCR u hadashay ayaa sheegtay in qoxootigan la akay iyagoo aan haysan kabo, lacag, cunno iyo cabitaan midna, taasoo ay sheegtay inay tahay mid ay aad uga xumaadeen.

Qayb ka mid ah qoxootiga galay dalka Talyaaniga sannadkan oo tiradoodu ahayd 1,300 oo qof oo u badan haween iyo dhallaan ayaa loo qaaday shalay oo Talaado ahayd magaalada Taranto oo ku taaalla Koonfurta Talyaaniga.

Saraakiisha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan xamili karin ququlka qoxootiga faha badan ee ka imaanaya dalalka Afrika iyo Aasiya, kuwaasoo intooda badan kasoo cararaya dalalka ay colaaduhu ka jiraan.

Madaxa hay’adda soohdimaha Midowga Yurub, Gil Arias Fernandez ayaa sheegay in boqolaal kun oo qof oo doonaya inay Taylaaniga soo galaan ay xilligan ku sugan yihiin dalka Liibiya, taasoo ay ku sheegtay inay qayb ka tahay sharci la’aanta sii kordhaysa.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga, Angelino Alfano ayaa sheegay in dalka Talyaaniga ay soo galeen qoxooti tiradoodu u dhexeysa 400,000 - 600,000 oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya