Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sh. Axmed ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shirkii 26-aad oon caadi ahayn, kaasoo looga hadlayay colaadaha ka jira dalka Koonfurta Suudaan.
Waxaa shir gudoominiyay kulankan raysul-wasaaraha Itoobiya Haila Mariem ,iyada oo ay si lamid ah ka soo qayb-galeen madax kala duwan oo kala matalayay wadamada xubnaha ka ah urur goboleedkaIGAD oo u ku jiro madaxweynaha Koonfurta Suudaan.
Sidoo kale,waxaa isna yimid shirkan hogaamiyaha mucaaradka Koonfurta Sudan Riek Machar ,waxaana labada hogaamiye ee talada Koonfurta Suudaan isku haya la dhex dhigay heshiis rasmi ah oo hakinaya dagaallada socda.
“Labada hogaamiye waa ay ka go’antahay in ay soo dhisaan dowlad kumeel gaar ah muddo 60-maalmood gudaheed ah ,lana hubiyo gar-gaarka bini’aadinimo ee la gaarsiinayo dadka dhibaataysan “ayaa lagu yiri war laga soo saaray gaba-gabadii kulankan.
“Heshiiskan waxa u saldhig u yahay mid horey loo wada gaaray 9-kii bishii shanaad ,kaasi oo wadada u riixay in maanta la gaaro isku duubnaan guud oo wada hadalo ah “ayaa mar kale lagu yiri warbixinta .
Xubnaha matalayay urur-goboleedka IGAD ayaa dhamaantood soo dhaweeyay heshiiskan oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada Koonfurta Suudaan oo dad badani ay ku geeriyoodeen .
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]