
Arbaco, June 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay warbaahinta ayaa si kooban uga hadlay dagaallada ka socda gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo ku tilmaamay kuwo ceeb ku ah dowladda Somalia ee uu madaxweynaha u yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Faysal ayaa hadalkiisa ku sheegay in dhibaatada ugu weyn ee sababta u ah dagaallada ay yihiin kuwo salka ku haya goboleysi, taasoo ah nidaam dibadda laga keenay oo aysan Soomaali shuqul ku lahayn, waxaana taasi ay sababtay inay beeluhu dagaalamaan si ay dhul u kala qabsadaan.
“Dagaalladani waa kuwo dib u dhac ku keenaya qorshihii ahaa in Soomaaliya dib loo abuuro, si ay dunida wax ula qaybsato,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo intaa ku daray. “Dowladda Xasan Sheekh ayay ceeb weyn ku tahay in dagaallo khasaare badan geystay ka dhacaan deegaanno ku dhow Muqdisho, ama inta beel duusho ay beel kale deegaankeed ku duusho.”
Guddoomiyaha UCID oo sii hadlaya ayaa sheegay in dhibaatada oo dhan ay tahay mid ka dhalatay nidaamka federaalka ah ee ay dowladda Soomaaliya doonayso inay ka hirgeliso dalka.
“Siyaasaddan ah in laba gobol iyo wixii ka badan ay noqdaan maamul ayaa dhibka oo dhan keentay, waana mid ay keeneen dad aan Soomaalida ka naxayn, waxayna ila tahay in tani ay dhibaatada sii kordhinayso oo aysan wax wanaag ah keenayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Waraabe.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu ugu dambeyn u jeediyay inay wax ka qabtaan dhibaatada ka jira gobolllada Soomaaliya qaarkood, isagoo xusay in haddii dadku is-laayaan inaysan jirin cid la xukumayo iyo cid maamul loo sameynayo midna.
Dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay geysteen khasaare aad u fara badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo mid ka mid ah maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay gobolkaas ay qabsatay degmada Marko.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya