Xisbiga Hiilqaran oo shir weyn ku qabtay waddanka Netherland

Cabirka Farta

Leiden, Netherlands
Talaado, March 20, 2012

Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

Xubnaha xisbiga Hiil-Qaran oo ka kala yimid wadamada Mareykanka, Canada, UK, Norway, Sweden, Denmark iyo Finland ayaa si qoto dheer uga falanqooday Sida loo wajahayo siyaasada iyo marxalada kala guurka ee hadda dalka uu marayo ka hor bisha August ee sanadkan iyo in isbadel siyaadadeed ee dhowaan dhici doono uu noqdo mid looga gudbo musmuqmaasuqa iyo hogaan-xumada.

Xisbiga waxa uu cadeeyey aragtida xisbiga ee ku aadan shirkii dhowaan Somalida loogu London, isagoo si faahfaahsan uga hadlay wanaag iyo dhaliilba waxa uu lahaa shirkaasi. Waxa kale oo xubnaha Hiil-Qaran ay ka doodeen sidii uu xisbiga ka qeyb qaadan doorashooyinka soo socota ee loogu tartamayo hogaanka dalka Somalia.

Xisbiga waxa uu cadeeyey inuu si weyn uga soo horjeedo dhaqanka qabiilka ee lagu saleeyey talada dalka iyo in dadaal loo galo sidii looga gudbi lahaa nidaamka 4.5 ee lagu qeybsaday talada dalka oo loo adkeyn lahaa mabáda Islaamnimo iyo Somalinimo.

Waxaa kaloo ka mid ahaa waxyaabahii laga dooday in la kordhiyo ololaha balaarinta xisbiga oo ah in la wada gaarsiiyo guud ahaan dalka iyo sidii loo kasban lahaa taageerada dadka iyadoo loo bandhigayo waxyaabaha uu qabayo xisbiga haddii uu ku guuleysato in qabto talada dalka. Waxaa kaloo xubnaha xisbiga isku raacay in la xoojiyinta xiriirka dibadda, iyadoo la difaacayo danaha guud ee dalka.

Qodobka kale ee laga wada hadlay waxa uu ahaa in xisbiga uu yeesho dhaqaale iyo miisaaniyad joogta ah oo ku filan oo ka yimaada gudaha Somalida si loo sii wado howlaha muhiimka ee xisbiga horyaala .

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mida xubnaha xisbiga Hiil-Qaran ayaa DalmarMedia u sheegay in dood iyo falaqaeyn dheer ka dib ay xubnaha xisbsiga isla garteen in shaqada ugu weyn ee hortaala ay tahay barnaamij ay ugu magacdareen 3+1 formula oo ah saddex arrimood oo ka taagan gudaha dalkii oo u baahan in Somali ay deg deg wax uga qabato mida afaraad oo ah sidii wadamada deriska iyo aduunyada kale wax loola qabsan lahaa.

Afar arrimood ayaa kala ah:-

Sidii loo dhayi lahaa dhaawac gaaray sharaftii iyo qarannimadii, iyo dadnimadii ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed, lagana shaqeeyo sidii dadku ay isku jeclaan lahaayeen oo loo celin lahaa cadaaladii iyo xaqa umadda, dibna loo soo nooleeyo qabkii ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed, iyadoo lala jaan qaadayo waqtiga casriga aduunka uu marayo.

In laga shaqeeyo sidii dib loogu dhisi lahaa xafiisyo dowladeed oo awood iyo karti leh, kana jawaabi kara baahiyaha jira ee umada Soomaaliyeed.

In la helo hogaan Soomaaliyeed oo xalaala oo karti u leh inuu dalka ka saaro marxalada uu hadda marayo.

Iyo sidii deriska iyo wadamada kale ee aduunyada wax loola wadaagi lahaa oo loola xisaabtami lahaa.

Dhamaan qodobadii laga wada dooday intii uu shirka socday ayaa la isku afgartay in ficil ahaan la meel marayo, iyadoo sidoo kale la isku raacay in xisbiga uu mustqabalka dhow yeesho hogaan siyaasadeed oo ka qeyb qaata siyaasada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Abdimaalik Yusuf oo ka mida xubnaha xisbiga Hiil-Qaran faraciisa dalka Nederlands ayaa madasha shirka ka sheegay tirada dhuuxa xisbiga (Core) oo ah 11 xubnood iyo magacyada iyo waliba taariikhdooda oo kooban iyo sababaha ay ugu soo biiraan xisbiga. Dhuuxa xisbiga Hiil-Qaran ayaa ku kala nool waqooyiga America, Europe iyo Somalia.





Mahamed Abdi Farah
The Netherlands