Dowladda Kenya oo sheegay in Qoxootiga ku jira Dhadhaab ay Dajinayso Deegaannada ay Ciidamadeedu kaga sugan yihiin Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in xukuumaddu ay go'aansatay inay 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib-u-dajin uga sameyso gudaha dalka Soomaaliya.

Mr. Saitoti wuxuu sheegay in qoxootiga ku jira Dhadhaab ay dajinayaan goobaha ay ciidamadooda oo ka mid noqday AMISOM kaga sugan yihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin kuwo nabdoon.

"Xukuuumadda Kenya waxay qaadaysaa mas'uuliyadda lagu difaacayo dadkaas dib loogu celinayo dalkooda iyadoo kaashanaysa DKMG ah iyo AMISOM," ayuu wasiirku ugu sheegay wariyeyaasha xeebta Maliindi oo uu shir ammaanka ku saabsan ka dhacay.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya oo AMISOM ku biiray iyo ciidamada kale ee ku sugan Soomaaliya uu qorshahoodu yahay inay dalka oo dhan ka saaraan Al-shabaab si ay u suurogasho in daganaashaha Soomaaliya lasoo celiyo dadkuna ay dib ugu laabtaan dalkooda.

"Waxaan dib u dajin u sameyn doonnaa in ka badan 600,000 oo qoxooti ah oo ku jira xeryaha Dhadhaab, waxaana la dajinayaa goobihii laga saaray Al-shabaab," ayuu yiri wasiirka ammaanka Kenya.

Mr. Saitoti wuxuu sheegay in AMISOM ay Soomaaliya ka caawinayso sidii lagu soo celin lahaa ammaanka, rajada la qabana ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xasiliyo dalka ay dagaalladu la dageen.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah kuwaasoo uga cararay Soomaaliya colaadaha taagan iyo abaaraha, iyadoo ay ka digayaan hay'adaha gargaarka dunida iyo kuwa xuquuqda aadanaha in dadkaas dib loogu celiyo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya