
Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanaya degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in xoogagga Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.
Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalku uu bilaawday abaarihii 4:30 AM (habeenimo), waqtiga salaadda subaxna ay Shabaab si buuxda ula wareegeen Al-shabaab magaalada Dhuusamareeb dagaal culus ka dib.
Illaa iyo toddobo (7) qofood oo labadii dhinac ee dagaalamayay ka mid ah ayaa la xaqiijieyey inay dagaalkan ku dhinteen. Ciidamada Ahlu Suna Waljamaaca ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin meel 10-km u jirta magaalada, waxayna dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan dhammaan degmooyinka ay gacanta ku hayaan.
Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca kama aysan hadlin qabsashada degmada Dhuusomareeb, halka ay ka sheegteen saraakiisha Al-shabaab inay xoogaggoodu si buuxda gacanta ugu hayaan ayna ku furteen dagaalka hubka iyo gaadiid dagaal.
Waa markii labaad oo ay Xarakada Al-Shabaab qabsadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud tan iyo markii uu billowday sannadkan 2012.
Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco Hiiraan Online.