Meydad Dhalinyaro oo Jirkoodu ku taallo rasaas oo saakay aroortii lagu arkay Duleedka Degmada Beledxaawo

Cabirka Farta

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Meydadka dhallinyaro ay jirkoodu ka muuqato rasaas ayaa saakay lagu arkay Waqooyiga degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa iminka la ogeyn cidda ka danbeysa dilka dhallinyaradaas.

Dhallinyarada maydadkooda la arkay ayaa waxay tiradoodu ahayd saddex iyadoo aan la aqoonsan, waxaana lagu arkay xaafado ku dhow soohdinta u dhexeeysa degamda Beled-xaawo iyo Mandheera ee dalka Kenya, waxaana dhalilnyarada ka muuqday jirkooda rasaastii lagu dilay.

Saraakiil katirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in ay ka shakisanyihiin in ragani ay ka tirsanaayeen dagaalyahannada Al-shabaab, inkastoo aan weli arintaasi la xaqiijin.

Lama oga sababta ka danbeeysay dilka dhalinyaradani iyo weliba cidda rasmiga ah ee ay gacanteeda sababsadeen, haseyeeshee saraakiisha dowladda KMG ee Degmada Beledxaawo ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira dilkaasi.

Dhacdadani ayaa ah mid inta badan ka dhacda gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyadoona ay jirtay in marar badan dhalinyaro la dilay lagu arkay qaar katirsan gobollada dalka, kuwaasoo la garan waayay cida ka danbeysay dilkooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya