Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Kulan ay guddiga ammaanka Galmudug maanta ku yeesheen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kasoo saareen dhowr qodob oo ay sheegeen in wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada ay ka taliyaan.
Shirka go'aannadan lagu gaaray ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha, Cabdisamad Nuur Guuleed, waxaana qodobbada kasoo baxay ka mid ahaa in laga hortago dadka dhigta isbaarooyinka.
"Qodobbada laga soo saaray kulanka ammaanka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa: in in dhamaan beelaha ku nool deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug ay hubka soo wareejiyaan, in la dhiso ciidammo wax ka qabta ammaanka gobollada iyo degmooyinka maamulku uu ka taliyo iyo in meel looga soojeesto maleeshiyaadka isbaarada dhigta jidka isku-xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galinsoor," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Galmudug, Abashir Diini Cawaale oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay.
Deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jiray ammaandarro sababtay in dad rayid ah lagu dilo, waxaana go'aannada lagu tilmaamay kuwo wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada uu ka taliyo Galmudug.
Ugu dambeyn, guddiga ammaanka Galmudug waxay sheegeen in go'aannadan laga ansixin doono odayaasha dhaqanka Galmudug si looga hortago dhibaatooyinka ka taagan deeaannada maamulkan uu ka taliyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya