Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.
Dagaalladan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay xalay 4:30 habeenimo ku qaadeen weerar ay ku qabsadeen degmada Dhuusomareeb oo ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan Ahlusunna waljamaaca, iyagoo isaga baxay baqonimadii maanta.
"Mujaahidiintu waxaa u suurogashay dagaal kooban kaddib inay gacanta ku dhigaan degmada Dhuusomareeb, waxayna halkaas ku qabsadeen lix gaari oo saddex ka mid ah ay yihiin kuwa rayidka halka saddexda kalena ay yihiin kuwa dagaalka, waxaana sidoo kale ay mujaahidiintu ku weerareen Ahlusunna inta u dhexeysa Dhuusomareeb iyo Guriceel khasaare ayayna ku gaarsiiyeen," ayuu afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab u sheegay saxaafadda Muqdisho.
Sidoo kale, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab wuxuu sheegay inay arkeen maydadka 15 ka mid ah dagaalyahannadii Ahlusunna oo lagu dilay dagaalladii ay la galeen Ahlusunna, balse ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaartay.
Afhayeenka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Axmed C/llaahi Samatar oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in abbaare xalay 4:00 habeenimo ay Al-shabaab galeen degmada Dhuusomareeb, balse ay dagaal kaga saareen oo ay hadda gacantooda ku jirto.
"Khasaare ma sheegi karo hadda, waayo dagaalku weli wuxuu ka socdaa meel 10-km u jirta degmada Dhuusomareeb, markii lasoo afjaro ayaana soo sheegi doonnaa," ayuu yiri Axmed C/llaahi oo u hadlay Ahlusunna.
Marka laga soo tago dagaallada Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray degmada Dhuusomareeb ayaa xoogagga ka tirsan Al-shabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidammo ka tirsan Ahlusunna oo gurmad ahaan ugu socday degmada Dhuusomareeb, iyagoo ku dilay weerarkaas lix dagaalyahan iyagoo ku dhaawacay 16-kale, kuwaasoo dhaawacyadooda la gaarsiiyay isbitaal ku yaalla degmada Guriceel.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ka wateen degmadaas waxgarad ku noolaa, inkastoo labada dhinac aysan ku sheegin arrintan warar ay siiyeen saxaafadda.
Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay inay weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dhuusomareeb ayna dib ugu qabsadeen gaadiid dagaal oo saakay laga qabsaday.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya