Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Munaasibad balaaran ayaa loo sameeyey xil wareejintii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.
"Miisaaniyaddii 74 Milyan ahaan jirtay waxaanu gaadhsiinay 83 Milyan, waxaana kordhay 75.5%, miisaaniyadda sanadkan 2012 dawladda dhexe 106 Milyan, iyadoo ay ka maqan yihiiiin wixii hanti dawladu leedahay sida guryaha dawladda iyo baabuurta" ayuu yidhi wasiirkii hore Maaliyadda oo ka hadlayey halka uu gaadhsiiyey Miisaaniyadda mudadii uu xilka hayey.
Wasiirkii hore ee Maaliyaddu waxa uu sheegay inuu shaqaalihii iyo ciidamadi 100% u kordhiyey, dugsiyaddii hoose/dhexena uu ka dhigay bilaash, macalimiin afar kun ku dhowna uu mushahar u qoray.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda waxa uu xukuumadda ku booriyey inay dadka la haybsooco wax la baro si ay bulshaddu isku dhexgasho loona kala guursado, isagoo xusay sodomeeye Arday oo ka mid ah dadka la haybsooco uu jaamacadda ka bixiyo.
"Waxaan waxbarashadda ka bixiyaa sodomeeye arday oo ka mid ah beelaha la haybsooco,, marka ay dhamaystaan waxbarashadda ay qaataan Digriiga way midgaan bixi doonaan, oo waxay guursan doonaan hablaheena, haddii Master ka qaataan cidiba gaadhi mayso, marka haddii la doonayo in dadku is dhexgalaan waa in waxbarashadda loogu dadaalaa," ayuu yidhi Xaashi wasiirkii hore Maaliyadda oo tilmaamayey sida ay bulshaddu isku dhexgali karaan.
Sidoo kale, waxa uu wasiirkaasi hore sheegay in wax deyn ah lagu lahayn wasaarada, isla markaana uu bixiyey 12 Milyan oo dollar oo Deyn ah, isagoo xusay inuu wasiirka cusub ku wareejinayo 14 Milyan oo dollar oo kaash ah oo taalla wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna sheegay inuu ku dadaali doono inuu gaadhsiiyo halkii wasiirkii hore gaadhsiiyey, dadkan ka codsaday inay ilaahay u baryaan oo aanu ku fashilmin xilkan.
"Waxaan aaminsanahay in xilkani yahay imtixaan, laakiin waxaan balan illaahay ku qaadayaa in wax umamadaasi leedahay aanay meel Khaldan marin," ayuu yidhi wasiirka Cusub ee Maaliyadda Samaale.
Wasiirkan cusub ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale ayaa ah nin sheikh ah, isla markaana Khadiib ka ahaa masaajid ku yaalla magaaladda Hargeysa, waxaana aqoonyahan maadiga iyo Diinta bartay, waxa kale oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad ka ahaa golaha Wakiiladda ee Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayey dadweynuhu hadal hayeen sida uu uga soo bixi karo wasiirka Cusub ee maaliyadda, maadaama oo wasiirkii ka horeeyey sanad walba miisaaniyadda Qaran kor u sii qaadayey, taas oo dadku weynuhu aad u hadal hayeen.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland