Dagaalyahannada Ahlusunna Waljamaaca oo dib ula wareegay degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka xiligan ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada mar kale la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saakay waabarigii hore ay ka sareen dagaalyahannada Al-shabaab.

Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo ku hubeysan gadiidka dagaallka iyo ciidamo aad u xoogan kana kala yimid qeybaha gobollka ka kooban yahay ayeey wararku sheegayaan in ay dhowr jiho ka soo galeen degmada Dhuusa-mareeb, hasse ahaatee ma jiro wax dagaal ah oo ku dhaxmaray labada dhinac gudaha degmada, kadib markii ay Al-shabaab isaga sii baxeen degmada ka hor inta aysan soo gaarin xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca.

Wariye ku sugan degmada Caabud-waaq oo si toos ah ula socday xaalada degmada Dhuusa-mareeb ayaa HOL u sheegay in saacadihii koobnaa oo ay ku sugnaayeen degmada xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen shirkado iyo goobo ganacsi oo gaar loo lahaa, waxaana ay wararku intaa ku darrayaan in horay u sii kaxeysteen gadiid ay shaqsiyaad gaar ah lahaayeen.

Dagaallka labada dhinac saakay waabarigii hore ku dhaxmaray xoogagga labada dhinac, ayaa sababay dhimashada ilaa Todobo ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyada iska horyimid, walibana ma jirto faah faahin ka badan intaa oo ka hadllaya khasaaraha ka dhashay dagaallkii saakay.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay sidan oo kale gudaha degmada Dhuusa-mareeb ay soo galaan dagaalyahannada kooxda Al-shabaab, laakiin waqti kooban kadib haddana waxaa ay gacan ku heynta degmada mar walba dib ugu soo laaban jirta xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya






Shir saddex maalin socday oo ay isugu yimaadeen in ka badan 50 qof oo ah madaxda iyo xubnaha faracyada xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil-Qaran ee aduunka uu ku leeyahay ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Leiden ee koonfurta dalka Nederlands, kaasoo looga dooday howlaha u yaala mustaqbalka dhow iyo kan fog ee u yaala xisbiga ee ku aadan in dalka laga samatabixiyo dhibaatada daba dheeraatay iyo arrimo kale oo siyaasadeed.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Munaasibad balaaran ayaa loo sameeyey xil wareejintii uu wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Kulan ay guddiga ammaanka Galmudug maanta ku yeesheen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kasoo saareen dhowr qodob oo ay sheegeen in wax looga qabanayo ammaan-darrada ka jirta deegaannada ay ka taliyaan.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Warar naga soo gaaray deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa ururka Raaskaambooni ay dib ula wareegeen deegaanka Diif, oo ay saaka si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in xukuumaddu ay go'aansatay inay 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib-u-dajin uga sameyso gudaha dalka Soomaaliya.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Meydadka dhallinyaro ay jirkoodu ka muuqato rasaas ayaa saakay lagu arkay Waqooyiga degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa iminka la ogeyn cidda ka danbeysa dilka dhallinyaradaas.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Diif ee dhaca galbeedka gobolka J/hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii xoogagga Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Diif kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Raaskaambooni ee hore ugu sugnaa.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay horyaallaan howlo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada abaabulan, maamul xumada, musuqmaasuqa iyo in la diyaariyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa mar kale xalay ku weeraray madaafiic xarunta madaxatooyada Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana sidoo kale xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Yaaqshiid iyo guriga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr) oo cod uu soo duubay laga sii daayay Radio Andulus oo ku hadla afka Al-shabaab ayuuu ku sheegay in dowladda Turkiga ay hordhac u tahay shirqool ay dalalka reer galbeedku u maleegayaan Soomaaliya.

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanayo degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen degmada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.

Somali News

3/20/2012 9:50 AM EST
Intense fighting between government allied Ahlu Sunna Waljama’a (ASJ) fighters and Al Shabab claimed the lives of at least 20 people and injured 30 more in the latest clash for Dhusamareb.

3/20/2012 5:58 AM EST
Last summer, Ayub Ali, a seventh grade student at Al-Amal, a private Islamic school in Fridley, was talking to his father, who had been a soldier in his home country of Somalia. His father had been shot in his toe, and had to have it sawed off to get the bullet out, Ali said. Speaking with his father, Ali began thinking — what if human beings could regenerate body parts, similar to the way that planaria, a kind of flatworm, regenerates itself?

3/20/2012 5:42 AM EST
A 15-year veteran of the Minneapolis Police Department is under investigation after he allegedly posted on his Facebook page that while on duty, he saw an upside-down American flag near a "Somali hangout spot" and demanded the owner hang the flag right-side up.

3/20/2012 5:10 AM EST
A spokesperson for an al Qaeda-linked terror group is denying that the group "arrested" one of its own -- a high-profile American member -- just days after the American posted an online video in which he said he feared for his life.

3/20/2012 5:05 AM EST
Ireland Says its ready to join the fight against Somalia pirates off the coast of Africa as part of an EU naval Mission and to guard WFP food help for the African country, Press TV reports.

3/20/2012 4:54 AM EST
Talks between President Al Bashir and his Somali counterpart Sheikh Shareef, which focused on the situation in Somalia, concluded on Khartoum Sunday.

3/20/2012 4:50 AM EST
Ethiopia says its forces have attacked "rebel bases" in longtime rival Eritrea, raising fears of a new war between the Horn of Africa states.

3/20/2012 4:47 AM EST
Somalis fleeing drought and persecution are living in terrible conditions on the outskirts of Kenya’s massive Dadaab refugee camp, following the government’s decision to stop registering new arrivals, a rights group says.

3/20/2012 4:42 AM EST
NATO agreed Monday to extend its anti-piracy mission off the coast of Somalia until the end of 2014, stressing that foreign navies are helping to reduce the number of hijackings.

3/20/2012 2:04 AM EST
Somalia's national theatre reopened in the war-ravaged capital Mogadishu for the first time in 20 years Monday with the president voicing hope it would mark a watershed in the long quest for peace.

3/20/2012 1:45 AM EST
Tuesday March 12, 2012 (HOL) – Sources in Dhusamareb have confirmed to HOL that the town has been captured by Al Shabab fighters.
Click here