Arbaco, May 11, 2011 (HOL) – Ciidamada amniga degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa weerar ku qaaday kooxo la sheegay in ay dhirta qoyan ka xaalufinayeen miiga fog ee degmadaasi oo kamid ah goobihii sida daran ay u saamaysay abaartii ka dhacday dalka.
"Hal askari ayaa ku dhaawacmay israsaasayntii labada dhinac dhexmartay ,waana la soo qabtay kooxihii nala dagaallamay oo gaarayay 25-ruux "ayuu yiri duqa degmada Xingalool oo warbaahinta la hadlay.
Yuusuf Faarax Siciid ayaa sheegay in dablayada lagu wareejiyay qoysaskii ay ka soo kala jeedeen ,isagoo intaa ku daray in dadka degmada ay aad uga soo horjeedaan xaaluf loo gaysto deegaankaasi oo xoolo badan ay ku dhaqanyihiin.
"Dadka degmada waa ay fahmeen ahmiyadda ay dhirta u leedahay deegaanka, waxaana iminka dadaal ay ugu jiraan in ay la dagaallamaan kooxaha dhirta guba"ayuu hadalkiisa ku daray Yuusuf ,isagoo oo ka digay dhibaatada ka imanta karta dhirta oo la nabaadguuriyo.
Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in askariga ku dhaawacmay howlgalkaasi lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad degmada gudaheeda,waxaana uu ku baaqay in la ballaariyo olalaha dhir gubista loo soo horjeedo ee Xingalool ka bilowday.
"Maamulka dowladda aad ayuu uga mashquulay in uu taageerro arimahan oo kale oo bulshada faa,idooyin badan u leh "ayuu mar kale yiri, isagoo la hadlayay idaaacadaha qaar ee Bosaaso.
Xaalufka deegaanka lagu hayo ayaa la aaminsanyahay in markasta uu kor u sii qaadayso roob la'aanta inta badan ka dhacda gudaha wadanka Soomaaliya ,iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada arimahasi looga soo horjeedo.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya