Shirkad Mareykan ah oo sheegtay inay dowladda Soomaaliya u soo tababartay saraakiil iyo eeyo ka hortaga qaraxyada

Arbaco, May 11, 2011 (HOL) Shirkadda Bancroft oo Mareykanka laga leeyahay fadhigeeduna yahay dalka Koonfur Afrika ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho laba eey iyo laba ruux oo ay sheegtay inay soo barteen habka qaraxyada looga hortago ayna ku wareejin doonto dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Mr. Luu oo ah madaxa tababarrada ee shirkadda Bancroft oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in eeyahan iyo labada nin ay muddo saddex bilood ah kusoo tababarayeen dalka Uganda, isagoo xusay inay qabaan tababar wanaagsan oo looga hortago waxyaabaha qarxa.

"Labadan qof waxay kasoo hareen 13-qof oo tababarkan loo furay, intii kale way ku guuldareysteen inay tababarka fahmaan, balse waxaa guuleysatay labadan ruux iyo labadan eey, waxaana qarashka tababarkooda bixisay Qarammada Midoobay," ayuu yiri Mr. Luu.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in labadan eey iyo labada ruux ay ku wareejin doonaan DKMG ah ee Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si ay uga hortagaan waxyaabaha qarxa.

Labada nin oo lagu sheegay inay yihiin saraakiil ayaa waxay ku sugnaayeen goobta lagu soo bandhgay iyagoo wajigu u duuban yahay, iyadoo aysan goobta lagu soo bandhigay eeyaha labada ruux aysan ku sugnayn xubno ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya.

"Garoomada caalamiga ah oo dhan haku yaallaan dal Islaam ah ama dal kale waxaa jooga eeyo u tababaran inay ka hortagaan walxaha qarxa, waxaana eeyahaan ay ku howlgeli doonaan sida waafaqsan dhaqanka Soomaalida," ayuu yiri Luu.

Shirkadda Bancroft ayaa waxay noqonaysaa shirkaddii ugu horreysay oo DKMG ah u soo tababarta eeyo ka hortaga walxaha qarxa, iyadoo ay horay uga howgalayeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho eeyo la socda ciidamada AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya