Dab Qasaaro Geystay oo Xalay ka Kacay dhisme ku yaalla bartamaha Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

Arbaco, May 11, 2011 (HOL) Dab xoogan islamarkaasina sababay Qasaaro hantiyadeed ayaa waxa uu xalay fiidkii ka kacay dhismaha Alwaqaf oo ku yaal bartamaha suuqa weyn ee gaarisa, waxaana dabkaasi ku basbeelay hotel ku yaallay dabaqa ugu sareeya ee dhismahaasi.

Wararka aynu ka heleyno magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in dabkaasi ay sababtay maanso ka dhalatay korontada qeybta sare ee dhismaha Alwaqafa, waxaana dad goobjoogayaal ah oo aan la xiriirnay ay inoo sheegeen in ay arkeen dabkii oo mar qura ku faafay guud ahaanba dabaqadii sare ee Dhismaha, Alwaqaf ee ku yaal bartamaha suuqa weyn ee Gaarisa.

Dabka ka kacay qeybta Hotelka ee dhismaha Al-waqaf ayaa waxa ku burburay guud ahaanba hantidii taallay hotelka, mana jiran habayaaree wax ka badbaaday.

Dadweeynihii ku sugnaa suuqaasi ayaa iyagu sameeyay isku dayo ay ku doonayeen in ay ku damiyaan dabkaasi, wallow ay ku guuldareystay in ay damiyaan dabka ilaa uu gabi ahaanba ku basbeelo hotelkii uu dabka ka kacay ee ku yaallay dabaqada ugu sareeyso ee dhismaha Al-waqaf, mana jirin dab damis ka socday dhanka dowladda oo u gurmaday dabka ka kacay Hotelka.

Dhismaha Alwaqaf oo ku yaal bartamaha suuqa weyn ee gaarisa ayaa waxa uu ka koobnaa Afar Biyaano, qeybta ugu koreeyso ee uu dabka ka kacay ayaa ahayd Hotel ay lahaayeen dad shacab ah, halka qeybaha kalena ay isugu jireen Bangi, Xawaaladd iyo Baqaarro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya