Arbaco, May 11, 2011 (HOL) – Ugu yaraan saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray iska-horimaad shalay gallinkii dambe ku dhexmaray deegaan ku dhow degmada Dhooble ee gobolka Jubbada hoose ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab.
Dagaalkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dacas ayaa dhinac walba wuxuu sheegtay inuu isagu gacanta ku hayo, waxaana saraakiil labada dhinac u kala hadlay ay sheegeen in koox walba ay khasaare nafeed u geystay kooxda kale.
Afhayeen u hadlay kooxda Raaskambooni oo taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay Xarrakatul Shabaab kusoo qaadday, ayna iyagu weli ku sugan yihiin deegaankii lagu dagaalamay.
"Xaaladdu waa mid dagaal waxaana jira xiisado colaadeed, balse dagaalkii shalay ay nagu soo qaadday Xarrakatul Shabaab waan iska difaacnay," ayuu yiri C/naasir Seeraar oo u hadlay Raaskambooni uu u sheegay warbaahinta Muqdisho isagoo ku sugan degmada Dhoobley.
Dhanka kale, saraakiil u hadlay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyaguna guul ka sheegtay dagaalkaas iyagoo xusay inay ku dileen toddoba ka mid ah ciidamadii dowladda KMG ah iyo kuwii Raaskambooni ee ay weerarka ku qaadeen tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen, deegaankuna ay iyagu ku sugan yihiin.
Ma jiraan ilo wareedyo madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha inta uu le'g yahay iyo weliba cidda ramsi ahaan gacanta ku haysa deegaankii lagu dagaalamay oo ay saakay ka taagan yihiin xiisado colaadeed iyo dhaqdhaqaayo ciidan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya