Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadal kasoo baxay afhayeenka baarlamaanka Somalia

Arbaco, May 11, 2011 (HOL) Warsaxaafadeed kasoo baxay maanta oo Arbaco ah xukuumadda KMG ah ee ayaa looga jawaabay hadal shalay kasoo baxay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheeh Aadan, kaasoo ahaa in xukuumaddu aysana u soo gudbin guddoonka baarlamaanka wax qorsha ah oo uu ka doodo.

Xukuumadda waxay bayaankeeda ku sheegtay in baarlamaanka ay u gudbisay muddadii lasoo dhaafay hishiisyo kala duwan oo lala soo galay dawladaha Turkiga, Iran, Sudan, Indonesia iyo dawlada kale, sidoo kalena ay u gudbisay qorshe howleedka xukuumada iyo ajandaheeda ku aaddan marxaladda kala guurka.

Bayaanka xukuumadda ayaa lagu soo gudbiyay tallaabooyinkii ay guddoonka baarlamaanka ugu gudbisay qorshe howleedka xukuumada iyo kulamo gaar ah oo ay ka codsatay guddoomiyaha baarlamaanka inuu soo qaban-qaabiyo si aragti midaysan looga gaaro qorshaha ku aadan marxaladda kala guurka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xukuuumadda ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay u gudbisay guddoonka baarlamaanka qoraalladan hoos ku xusan.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka go’aankii golaha wasiirrada oo ku taariikhaysnaa 17.02.2011, kaasoo ay wasiiraddu soo jeediyeen in muddo kordhin wadajir ah la sameeyo.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaruhu wuxuu u qoray guddoomiyaha go’aankii golaha wasiirrada oo ku taariikhaysnaa 28.03.2011 oo ay golaha wasiirradu kusoo jeediyeen in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici lahayd August 2011 dib loogu dhigo illaa August 2012.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu qoray warqad taariikhdu markay ahayd 21.04.2011, taasoo uu kaga codsanayay guddoomiyaha baarlamaanka inay kulan wadatashi ah ay isku-arkaan guddi ka socda guddoonka baarlamaanka oo ay wehliyaan guddoomiyayasha guddiyada iyo mid ka socda golaha wasiirada si ay u wada hadlaan aragti midaysanna kasoo gaaraan farqiyada u dhaxeeya hay’adaha dastuuriga ah.

Hadaba, ra’iisul wasaaraha intaa kaddib wuxuu u diray guddoomiyaha barlamnaanka taariikhdu markey ahayd 27.04.2011 warqad kale oo ku xusan tahay ajandaha looga wada hadlayo shirkaas maadaama uu guddoonka baarlamaanka soo codsaday in loo soo caddeeyo kulanka wuxuu ku saabsan yahay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: dhammaan howlahan ma aysan noqonin kuwa mira-dhal ah maadaama aanan jawaab ka helin guddoonka baarlamaanka isla markaasna soo jeedintooda aanan marnaba loo gaybin xubnaha baarlamaanka si xildhibaannadu ay uga doodaan ugana qaataan go’aan sharci ah.

"Xukuumadda Soomaaliya had iyo jeer waxay raadinaysaa waddo kasta oo lagu gaari karo is-faham, wada-shaqeyn iyo aragti midaysan si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyadoo mid la yahay," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambayn, xukuumaddu waxay sheegtay inay ka codsanayso gudoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya inuu horgeeyo golaha baarlamaanka soo jeedimihiii golaha wasiirrada isla markaana uu dar-dar galiyo wada-tashiyadii looga gol lahaa in is-faham iyo aragti midaysan ah looga baxo marxaladda kala guurka ah.

Xukuumaddu waxay ku hawlan tahay arrimaha amniga iyo xasillooni kusoo celinta nabad-galyada dalka, waxayna ugu hambalyeynaysaa ciidamadda xoooga dalka oo maanta kasoo hooyay guulo wax ku ool ah dagaallo ay la gashay Xarrakada Al-shabaab, ayaa lagu soo afmeeray warsaxaafadeedka kasoo baxya xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya