Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay ka go'an tahay in la qabto doorasho inta aan la gaarin Ogoosto

Arbaco, May 11, 2011 (HOL) Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay ka go'an tahay in la qabto doorasho inta aan la gaarin bisha Ogoosto oo uu sheegay inuu ku eg-yahay xilliga dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ku sheegay hadalladan wareysi uu siiyay VOA-da, isagoo sidoo kale ka hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha, wuxuuna xusay in marka hore ay tahay in la aqoonsado muddo kororsiga baarlamaanka inta kalena laga heshiin karo.

"Waxaa naga go'an in doorasho la qabto inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan oo uusan mugdi ku jirin in xilliga xukuumadda uu ku eg-yahay," ayuu yiri Shariif Xasan oo intaas ku daray in guddiga doorashooyinka ee uu isagu magacaabay ay yihiin kuwo sharciga waafaqsan.

Guddoomiyaha baalamaanka ayaa horay u magacaabay guddi doorasho ayaa loogu talogalay inay kasoo shaqeeyaan qaabka ay u dhacayso doorashada madaxda dalka gaar ahaan madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka, waxaana guddigaas ay dhankooda sheegeen inay wadaan diyaarinta doorashooyin dalka ka dhaca.

Xukuumadda KMG ah ayaa iyaduna horay dib ugu dhigtay doorashooyinka illaa laga gaarayo bisha Ogoosto ee sannadka soo socda 2012, sidoo kale xukuumaddu waxay min hal sano ugu daray muddada ay shaqeynayaan dhammaan hay'adaha dastuuriga ah ee dalka, inkastoo aanu weli baarlamaanku ansixin.

Shariif Xasan oo soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif ayuu si aan caddeyn u tilmaamay inuu ka dhashay muddo kororsigii uu sameystay baarlamaanka bishii Feberaayo ee sannadkan.

"Wax walba waa laga heshiin karaa, balse waa in marka hore la aqoonsado xilliga uu kororsaday baarlamaanka," ayuu carrabka ku dhajiyay Shariif Xasan oo sheegay inuusan waxba ka qabin in xukuumadda iyo baarlamaanka ay wadahadlaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inaysan jirin cid beddeli karta muddada saddexda sano ee uu baarlamaanku ku kororsaday, isbedel lagu sameeyana ay u baahan tahay in la gaaro xilligeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya