Arbaco, May 11, 2011 (HOL) – Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerarro gaadmo ah oo taageerayaasha Sheekh Maxamed Siciid Atam ay kula wareegeen maanta buuraleyda Gal-gala oo ku dhow degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in dagalladaas ay ku dhinteen 15-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, ayna xoogaggii Sheekh Max'ed Atam ay u suurogashay inay la wareegaan buuraha Galgala oo 40-km dhinaca koonfur-galbeed kaga beegan degmada Boosaaso.
"Dagaallada waxay socdeen saddex saacadood oo xiriir ah, waxaa ku dhintay sagaal askari oo ka tirsan Puntland iyo lix dagaalyahan oo ka tirsan xoogaggii dagaalka ay la galeen, waxaana socda abaabul ay dowladdu ku doonayso inay dib uga qabsato buurahaas," ayay warbaahinta u sheegeen saraakiishan.
Saraakiishan ayaa qariyay magacyadooda, iyagoo taas sababta uga dhigay inaan loo ogoleyn inay la hadlaan saxaafadda, kana warbixiyaan dagaallada ka dhacay Galgala iyo khasaaraha ka dhashay.
Xoogagga weerarka gaadmada ah ku qaaday ciidamada Puntland ayaa waxaa hoggaaaminayay wadaad lagu magcaabo Sheekh Cali Gacmey oo xiriir la leh Sheekh Maxamed Atam oo ay Qarammada Midoobay ku eedeysay inuu hubka u mariyo deegaanka Galgala Xarrakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya.
Sheekh Gacmey ayaa ka mid ah xubnaha Al-Itixaad Al-Islaamiyah ee ka jiray dalka Soomaaliya tan iyo sannadkii 1990-kii, xilligaasoo talada laga tuuray xukuumaddii kcaanka uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.
Maamulka Puntland ayaa Sheekh Gacmey xiray sannadkii lasoo dhaafay iyadoo lagu eedeeyay inuu abaabulay dagaallo ka dhan ah maamulka Puntland, balse waxaa lagu sii-dayay damiin lacageed.
Buuraleyda Galgala ayaa sannadkii hore waxay dagaallo culus ku dhexamreen xoogaga Sheekh Maxamed Atam oo u dhashay Puntland iyo ciidamada maamulkaas iyadoo madaxweyanah Puntland uu sheegay inay la wareegeen deegaannadii lagu dagaalamay ayna kala firxadeen xoogaggiii la dagaalamayay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya