Xisbiga Asalka Finnishka (True Finns) oo heley 39 kursi doorashadii baarlamaanka Finland

Arboco, May 11, 2011 (HOL) - Doorashadii bishii ina dhaaftay ee 17 April ka dhacday waddanka Finlanad ayaa waxay wax baddan ka bedashay talada iyo siyaasada waddanka Finland, kadib markii ay codod lixaad leh heleen xisbiga mayalka adag ee loo yaqaan Perussuomalaiset (True Finns).

Sida ay saadaaliyeen qubarada ku xeel dheer arimaha saadaasha siyaasada ayaa tilmaamay xisbigaan mayalka adag ee talada waddanka Finland kusoo biiray inuu caqabad iyo muran baddan ka abuuri doono waddanka Finland dhaxdiisa iyo dibadiisaba. Xisbigaan heley codadka baddan ayaa markii taariiqda dib loo eego guul weyn gaaray doorashadii April 2011 la qabtay. Sanadii 2003 waxay heleen 3 xubnood oo baarlamaanka ah, kadib markii nin lagu magacaabo Tony Halme oo aad u necbaa qowmiyada Soomaalida heley cod aad u baddan, isagoo waagaas ballan qaaday inuu Soomaalida kasaari doono waddankan Finland, buugaag baddan oo uu ku caynaayo Soomaalidana daabacay. Waxaa dhacday xildhibaankii waagaas codka baddan heley ee Halme inuu isagii laftirkiisa galay dambiyo baddan, aaqirkiina gacantiisa ayuu isku dilay.

Doorashadii 2007 xisbiga mayalka adag ee hadda codadka badan heley wuxuu waagaas heley 5 xildhibaan, meesha ay hadda heleen 39 xildhibaan, waxaa ay heleen 34 kursi oo cusub. Sababta keentay iney ku guuleystaan kuraas baddan oo baarlamaanka ah ayaa loo aaneynayaa in inta baddan dadka Finishka ah ay naceen siyaasada isu eg ee xisbiyadii waddanka maamuli jirey. Waxayna shacabka doortay xisbigaan mayalka adag doonayaan is bedel dhanka siyaasada ah. Waxaa kaloo guusha intaa la eg u sahlay kadib markii xukuumadii hore ka qeybqaadatay bad baadinta waddamada Yurub ee dhaqaalo darada lasoo deristay sida Griiga, Ireland iyo portugal oo murankeeda hadda cirka isku shareeray.



Banaanbax lagu qabtay xarunta baarlamaanka Finland horteeda, Banaan baxaas oo lagaga soo horjeeday xisbiga xagjirka ah ee True Finns

Raisal wasaaraha jagada sii baneyneysa Mari Kiviniemi & Mo Keinaan

Doorashadii April 17/2011 waxaa ku guuleystay xisbiga ugu qanisan waddankan, waxayna heleen 44 xildhibaan, halka xisbiga Soshal Dimuqraati ay heleen 42 xildhibaan, waxaana ku xigsaday xisbiga mayalka adag oo heley 39 xildhibaan. Xisbigii talada waddanka hayey ee u sharaxnaayeen 2 dhalinyaro Soomaali ah ayaa ka baxay talada dalka, kadib markii ay heleen 35 xildhibaan, waxayna ku biireen mucaaradka waddanka. Raysal wasaarihii hore Mari Kiviniemi ayaa qiratay in sababta ay ugu guul dareysteen doorashada baarlamaanka tahay dhibka kasoo yeeray Portugal oo ay EU-da dooneyso iney bad baadiyaan dhaqaalo ahaan maadaama ay Portuqal la soo deristay dhaqaalo xumo. Xisbigaan cusub waxay gabi ahaanba kasoo horjeedaan EU iyo Qaxootiga, weyna cadeysteen nacaybka ay u qabaan qaxootiga kusoo qul qulaaya waddanka Finland.

 Musharax Zahro Abdulle
Musharax Mustafe Hagi

Inkastoo weli dowladii Finland maamuli lahayd 4 ta sano ee soo socota weli la xulin ayaa waxaa weli taagan murun iyo isfahan daro ka dhax alooshan xisbyadii tallada waddanka hogaamin jirey iyo xisbiga mayalka adag oo gebi ahaanba kasoo horjeestay taakuleynta iyo badbaadada qorshaha Portuqal lagu caawinayo, waxaana shir albaabada u xiran yihiin loo ballansan yahay maanta oo  Arbacada ah.. Hadii ay diidaan in Portuqal la gar gaaro waxaa la saadaaliyey iney Yurub bur bur iyo kala tag u horseedi karaan, warar aan lagu kalsooneyna waxayba leeyihiin in Greece iyo Portuqal ka fiirsanayaan iney lacagta Euroda iska bedelaan oo ay dib usoo ceshtaan lacagtoodi hore.

Sikastaba waxaa ka jira waddanka Finland xili xaadirkaan jahwareer siyaasadeed, waxaana laga yaabaa in xukuumada dhacdo oo doorashada baarlamaanka mar kalle la qabto.


Xildhibaankii ugu horeeyey oo kasoo jeeda qaarada Africa Jani Toivola
Ra,iisul baarlamaanka cusub ee ku meel gaarka ah Ben Syskowics

Durbadiiba waxay bilaabeen xisbiga mayalka adag iney yiraahdaan waxaan dooneynaa wasiirka arimaha gudaha iyo garsoorka si ay u dhuunqabateeyaan qaxootiga soo galaya waddankaan iyo kuwo ku nool. Ninka mid ah xisbiga mayalka adag oo lagu magacaabo Jussi Halla-aho ayaa caadeystay inuu inta baddan Soomaalida meel uga dhaco iyo diinta Islaamka. Ninkaan Jussi Halla.aho wuxuu ku tilmaamay Soomaalida iney yihiin jeebsiibeyaal ama baarta jeebabka dadka" Wuxuuna ka mid yahay xisbiga mayalka adag waxaana loo doortay madaxa sare ee sharcidejinta arimaha ajaanibka qeybta baarlamaanka, inskastow wax weyn ka bedeli karin sharcigaFinland haddana waa caqabad usoo korortay ajaanibka ku cusub waddanka Finland.
Saameynta ugu weyn ee doorashooyinkaan sameeyaan ajaanibka ayaa waxaa ka mid ah, qoysas baddan oo Soomaali ah oo loo ogolaaday iney usoo guuraan Finland ayaa xujo looga dhigey dadkoodi iney tikidhada la baxaan oo ay is debaraan, halka ay awalkii hore dowlada finland ka bixin jirtay qarashka jid marka ama tikidka.


Gudoomiyaha xisbiga xagjirka Perussuomalaiset (True Finns) Timo Soini

Xildhibaan cusub oo ka mid ah xisbiga xagjirka Teuvo Hakkarainen 

Durbadiiba waxaa xisbiga mayalka adag ee hadda talada waddanka Finland kusoo biiray ka hadlay wadamo baddan oo ay Finlandsihoose isugu dhawyihiin, sida wasiirka arimaha dibada Swedan Mr Carl Bildtin oo yiri waxaan ka walaacanahay sida ay ka yeeli doonaan  xisbiga mayalka adag luuqada Swedishka ah ee looga hadlo waddanka Finland. Wuxuuna si dadban u cambaareeyey guusha ay gaareen, waxaa sidoo kale ka hadlay xisbiga mayalka adag waddanka Rusia oo shaki geliyey mustaqbalka siyaasada Finland. Isku soo wada duuboo labada isbuuc ee ina soo heysa waxaa ka jira Finland xaalad adag iyo murun dhanka siyaasada ah, waxaana dad badan ay ka walaacsanyihiin siyaasada Finland iyo halka ay ku dambeyn doonto.

Sanadkaan waxaa u sharaxnaa xisbiyada waddankaan ka taliya Soomaali baddan oo musharaxiin ah, laakiin nasiib daro midkoodna sooma bixin inkastoo isku dayga wanaagsanaa haddana waxaa jira midnimo la,aanta dhaxdeena ah oo aan is leeyahay saameyn ayeey ku lahayd in qofkeen soo bixin. Sanadkaan waxaa u shartaxnaa xisbiga Green gabar Soomaaliyeed oo dhabtii 4 sano ka hor ku sigatay iney ka mid noqoto baarlamaanka Finland. Marwo Zahro Cabdulle sanadkaan xitaa wey sigtay iney baarlamaanka ku biirto. Waxaa kaloo u sharaxnaa xisbiyada Mustafe Xaaji oo ahaa ninka ugu da,da yar markii la eego Soomaalida musharaxiinta ahaa, wuxuuna magaaladuu ka sharaxnaa kasoo galay kaalinta 22-aad oo dhabtii ah boos fiican markii loo eego isagoo ahaa musharax da,yar iyo isku deygiisi koowaad. Mr Hagi hadda wuxuu weli ka mid yahay dadka ugu fir fircoon xisbigooda talada lagala wareegay.

Sidoo kalle waxaa ka mid ahaa musharaxiinta Soomaaliyeed Cabdiraxim Maxamed oo dhabtii asna ah shaqsi aad u dedaal baddan jecelna inuu mar uun arko aqalka baarlamaanka Finland oo qof Soomaali ah fadhiyo. Waxaa ugu cajiib badneyd kadib markii ugu horeysay wadankan Finland baarlamaankiisa nin kasoo jeeda qaarada Africa gaar ahaan waddanka Kenya uu ku guuleysto kursiga baarlamaanka wuxuuna u sharaxnaa xisbiga Green. Mr Jani Toivola wuxuu ku dhashay waddanka Finland kuna koray, hooyadiina waa finnish wuxuuna ahaa wariye madaxbanaan oo u olaleeya arimaha ajaanibta.