
Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacan ka helaya guddiga iskaashatada gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa dayactir ku billowday jid dheer oo isku xiraya deegaanka Garasbaalley iyo Iveco oo ku dhow isbartiibada Muqdisho.
Waddadan ayaa la sheegay in loogu talogalay inay maraan dadka u socda suuqa Bakaaraha iyo qaybaha kale ee ay Xarrakadu ka maamusho Muqdisho, kaddib markii ay dagaallo u dhexeeya ciidamada AMISOM, dowladda iyo Xarrakatul Shabaab uu ku xirmay jidka warshadaha oo ahaa midka keliya ee isku xiri jiray caasimadda.
"Howsha lagu dayactirayo jidkan waxaa la billaabay markii uu xirmay jidka warshadaha oo ahaa midka keliya ee loo mari jiray suuqa Bakaaraha, waxaana rajeynaynaa in jidkan uu noqdo midka loo maro suuqa," ayuu yiri Cadceed Cismaan Shuuriye oo ku hadlay magaca guddiga gaadiidleyda.
Dadka u shaqo-taga suuqa Bakaaraha ayaa hadda mara jid aad u yar oo dhex-mara degmada Howlwadaag, kaasoo ay maalin walba dhowr qof ku dhimato rasaas wiifto ah oo ay ciidamada iska-soo-horjeeda isku liishaamaan, sida ay HOL u sheegeen qaar ah dadka maalin walba mara jidkaas.

Gaadiidka xamuulka kasoo dekedda Muqdisho ayaan geli karin suuqa Bakaaraha tan iyo bishii hore markaasoo ay dagaalladu ka billowdeen jidka warshadaha oo ahaa midka keliya ee isku xiriyay qaaybaha Muqdisho ee ay kala maamulaan DKMG ah iyo Xarrakatul Shabaab.
Waddadan dayactirka lagu billaabay ayaa waxay dhex-maraysaa Dayniile iyadoo ay isticmaali doonaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ee ku socda suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarraatul Shabaab Sheekh Maxamuud Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan) oo ka hadlay dayactirka jidkan ayaa mahad u celiyay guddiga gaadiidleyda oo howshan billaabay, isagoo sheegay inay rajeynayaan in jidkan uu noqdo mid ay dadka u socda Bakaaraha uga raystaan dhibaatada hadda haysata.
Shacbka iyo ganacsatada maalin walba aadi jiray suuqa Bakaaraha ayaa dayactirka waddadan soo dhaweeyay iyagoo sheegay inay dhibaatooyin badan kala kulmaan sidii ay ku tegi lahaayeen suuqa.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya