Maxjarka wadaniga ah ee degmada Boosaaso oo dadka abaaraysan ugu deeqay lacag gaaraysa 50,000 oo Dollar

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Maxjarka wadaniga ah ee magaalada Bosaaso ayaa maanta lacag gaaraysa 50,000 $ oo dollarka maraykanka ah ugu deeqay guddiga abaaraha Puntland si loogu taageero dadka dhibaataysan.

"Lacagtan waxaan ugu tala galnay in qayb ka mid ah la gaarsiiyo dadka abaaraysan ee ku nool Puntland "ayuu yiri Liibaan Dheere oo ku hadlayay magaca maxjarka lacagta bixinayay.

Sidoo kale Liibaan ayaa sheegay in lacagtan qayb ka mid ah lagu hagaajin doono Air-poriga Bosaaso oo u baahan in la dayactiro gaar ahaan qaybaha lagu soo kordhiyay ,isagoo u mahad celiyay dadkii munaasabadda ka soo qayb galay.

"Waxaa jira qalab ammaanka garoonka lagu sugayo oo aan maamulka ku wareejinay "ayuu hadalkiisa ku daray ,isagoo xusay in gar-gaarada ay sii laba jibaari doonaan mustaqbalka dhow.

Masuuliyiintii shirka ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ,wasiirka duulista hawada iyo garoomada,iyadoo ay goobta joogeen xubno sar-sare oo ka socday maamulka gobolka iyo kan degmada Bosaaaso.

"In lagu daydo ayey mudan tahay arimaha noocaan oo kale ah ,waayo in laga gudbo waqtigan gacmo shisheeye ayaa loo baahanyahay  "ayuu yiri wasiirka qorshaynta Daa'uud Axmed Cumar oo goobta ka hadal dheer ka soo jeediyay.

Maamulka maxjarka wadaniga ah ee Bosaaso ayaa shirkadaha kale ugu baaqay in kaalmo lixaad leh ay ka gaystaan sidii loo taageeri lahaa dadka dhibaataysan ee ku nool miiga Puntland.

Ugu danbayntii lacagtan ayaa daba socota lacago hore oo ay ganacsatada ugu deeqeen dadka abaaraysan,waxaana gar-gaarada qayb ka mid ah lagu teegeerayaa xoolaha nool si loogu daweeyo.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boosaaso, Soomaaliya