Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Qarax lagu weeraray saldhiga degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan khasaaraha ka dhashay, iyadoo warar madaxbannaan ay sheegayaan inuu ku dhintay askari ayna ku dhaawacmeen laba qof oo uu midi ahaa qof shacab ah.
Weerarkan oo loo adeegaday miino lagu rakibay gudaha saldhigga ayaa waxaa sheegatay inay ka dambeysay Xarrakatul Shabaab oo horraantii bishan laga qabsaday degmadaas iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin.
“Saldhigga gudihiisa ayuu qaraxu ka dhacay waxaana dhaawac fudud uu kasoo gaaray hal askari,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha degmada Luuq ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan jirin khasaare kale oo uu qaraxu geystay.
Qaraxan ayaa wuxuu dhacay baqonimadii maanta oo Arbaco ah, iyadoo guddoomiye Kaliil uu sheegay inay u qabteen qaraxaad dhowr qof oo ay baaritaanno kuwadaan. Waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ka dhaca degmadaas tan iyo markii ay dowladdu la wareegtay gacan ku haynteeda.
Xarrakatul Shabaab ayaa toddobaadkii hore xilli habeen ah weerar ku qaaday degmadaas, iyagoo sheegay inay ku dileen askar badan oo Soomaali ah, ayna ku baabi’iyeen saldhig ay degmdaas kaga sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan, inkastoo saraakiisha DKMG ah ay beeniyeen hadalkaas.
Degmada Luuq ayaa ka mid ah saddex degmo oo ay dowladda Soomaaliya kaga sugan tahay gobolka Gedo marka laga reebo degmada Doolow oo aan marna gacanta u gelin Xarrakatul Shababa, kuwaasoo mid ka mid ah ay dagaallo kaga qabsadeen Al-Shabaab, iyadoo gacan ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah oo toddobaad ka hor ka baxay gobolkaas.
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya