Hay’adda MSF oo xirtay xarun caafimaad oo ay ku lahayd degmada Wadajir kaddib markii lagu weeraray bambooyin

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay inay si KMG ah u joojisay howl caafimaad oo ay kawadday xarun ay ku leedahay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaddib laba bam-gacmeed oo lagu weeraray muddo hal toddobaad ku siman, sida ay hay’addu ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay maanta oo Arbaco ah.

MSF ayaa sheegay in weerarradaas bamboono ay sababeen dhaawacyo fudud oo soo gaaray laba ka mid ah waardiyeyaasha xaruntaas, ayna qaadatay go’aanka ay howshaas ku joojinayso illaa muddo aan cayinneyn.

“Waxaan go’aankan qaadannay markii laba weerar oo khatar ah lagu qaaday xarunteenna, taasoo lagu damacsanaa in waxyeello lagu gaarsiiyo bukaannada ay hay’addu daweynaysay iyo shaqaalaha,” ayuu yiri madaxa howlaha ee hay’adda MSF Joachim Delville. “Weerarkan wuxuu sababay inaan joojinno dhammaan howlihii aan xaruntaas ka wadnay,” ayuu hadakiisa ku daray.

Xarunta la xiray ayaa waxay ka shaqeynaysay degmada Wadajir laba bilood, iyadoo aanay jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, sidoo kalena hay’addu cidna ku eedeyn weerarrada bambooyin ee lagu qaaday xarunteeda.

“Howsha xaruntaas waxay dib u furmi kartaa oo keliya markii maamulka degmada iyo dadka deegaanka ay ka helaan damaanad-qaadaan buuxa oo lagu sugayo amaanka shaqaalahooda,” ayuu mar kale yiri Delville. Isagoo hadalkiisa daba dhigay: “MSF waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay tixgeliyaan nolosha dadka shacabka ah iyo inay xaqiijiyaan nabadglyada si ay u suurogasho in la caaawiyo dadka gargaarrada bani’aadamnimo u baahan.”

Hay’adda MSF ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda dadkii ay gargaarka caafimaad ugu sameyn jirtay xarunta ay xirtay, kuwaasoo xanuuno kala duwan qabay ayna ku daweyn jirtay si lacag la’aan ah, gaar ahaan caruur ay nafaqo-darro hayso.

“Maalin walba waxay qaybteena quudintu diiwaangelin jirtay 414 caruur ah, kuwaasoo 59 ka mid ah (14%) ay xaaladoodu khatar ahayd, iyagoo aan maanta haysan wax gargaar ah,” ayuu yri Delville.

MSF ayaa sheegtay in weli ay furan tahay xarun caafimaad oo ay ku leedahay degmada Dharkeynley oo daris la ah degmada Wadajir, taasoo daweysay labadii bilood ee ugu horreysay 3,217 cunug kuwaasoo 60% ay da’doodu ka hoosaysay shan sano oo ay ku jireen 856 cunug oo ay nafaqo-darri ba’an haysay.

Hay’adda MSF ayaa si joogto ah uga shaqeynaysay Soomaaliya tan iyo 1991-kii, iyadoo ka howlgasha sideed gobolka oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxaa u shaqeeya in ka badan 1,300 shaqaale Soomaaliyeed ah, kuwaasoo wadashaqeyn joogto ah la leh 100 shaqaale ah oo ku sugan Nairobi.

Xarumaha hay’adda ay ku leedahay Soomaaliya ayaa waxay bixiyaan gargaarro caafimaad oo isugu jira daweyn, nafaqo-celin, qalliinno, biyo iyo qalab caafimaad. MSF ayaa sheegtay inaysan gargaar dhaqaale ka helin dowlado, balse ay dhaqaalaha ka hesho deeq-bixiyeyaal caalami ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya