Madaafiicdan oo ahayd kuwo laga tuuray qaybaha ay dowladdu maamusho ayaa yimid iyadoo aanay jirin wax dagaallo ah oo socday, inkastoo xalay ay dagaallo kooban ka dhaceen agagaarka wasaaraddii hore ee gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.
"Laba madfac ayaa ku dhacay xarunta wargeysa oo 200 - 300 talaabo u jirta Isgoyska Howlwadaag, inkastoo aanay jirin cid wax ku noqotay haddana wuxuu burbur u geystay qalabkii yaallay xarunta wargeyska sida Kumbiyuutarro iyo qalabka kale ee daabacaadda," ayuu yiri Ismaaciil Cumar Madoobe la hadlay HOL.
Ismaaciill oo ka mid ah madaxda wargeyska ayaa sheegay in mid ka mid ah labadan madfac uu ku dhacay bartamaha dhismaha wargeyska xarunta u ahayd, iyadoo mid kale uu ku dhacay illinka hore ee xarunta.
"Dhammaan qalabkii aan ku shaqeynaynay way burbureen, madaafiicduna waxay ahaayeen kuwo culus," ayuu Ismaaciil hadalkiisa ku daray, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo xarunta Wargeyska ay ku dhacaan madafiic burbur u geystay.
Madaafiicda ayaa saddexda qof ee ay dhaawaca u geysteen waxay ahaayeen rayid u socday suuqa Bakaaraha, iyadoo laba ka mid ah uu madfacu kula dhacay jid yar oo loo maro suuqa kaasoo lagu magacaabo Far-janno.
Dhanka kale, Wariye Axmed Xasan Maxamed oo ka mid ahaa wariyeyaasha isaboorti ee ka howlgala Radio Simba oo xarunteedu tahay Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa dhaawacday xabbad wiifto ah isagoo ku sugnaa garoon ay ciyaar kubadda cagta ah ka socotay.
Wariyahan oo ay xabbadu kaga dhacday caloosha iyo kaadi-haysta ayaa lagu qalay isbitaalka Madiina ee Muqdisho sida ay sheegtay hooyadiis, iyadoo la sheegay in xaaladdiisu ay tahay mid soo wanaagsanaanaysa, inkastoo uu qabo dhaawac halis ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya