Dowladda Ingriiska oo wadda dadaallo lagu xalinayo khilaafka soohdinta ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) –  Dowlada ingriiska ayaa wada dadaallo la xiriira in maamulada Puntland iyo Somaliland ay ka heshiiyaan khilaafaadka dhinac soohdinta ee ka dhaxeeyay sanadihii ugu danbeeyay.

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay wakiilka arimaha Soomaaliyaha u qaabilsan Ingiriiska Matt Baugh iyo xubno la socda ayaa shalay soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

"Puntland waxey soo dhawaynaysaa cid kasta oo doonaysa in laga gudbo dhibaatada bur-burka ee dalka la hartay "ayaa lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Garowe.

Shir ay wada qaateen wafdigan ingiriiska ka socda iyo madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu ka dhacay Rukhsan Squere oo ah halka ay ku nastaan ajaanibta soo gaarta gobolka,iyadoo uu ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin.

"Waxaa labada dhinac ay wada qaateen shirar looga hadlayo arimaha Soomaaliya ka taagan ee la xiriira dhinaca khilaafaadyada "ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxaa shirkaasi la  sheegay in lagu soo hadal qaaday sidii meesha looga saari lahaa khilaafka labada maamul oo la filayo in ay isku arki doonaan shir ka dhici doona Nairobi oo dhinacyada Soomaalida lagu kulansiinayo.

Wakiilka arimaha Soomaaliya u qaabilsan dowladda ingiriiska ayaa isna sheegay  in ay wax badan la qaban doonaan Soomaalida si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.

Ugu danbayntii shirarkii labada dhinac dhexmaray waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidii dowladaha deeqaha bixiya ay gacan uga gaysan lahaayeen arimahaas ,iyadoo ay jiraan xoollo badan oo u le'anaya abaarta awgeed.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
Boosaaso, Soomaaliya