Mudaaharaad looga horjeeday hay’adda WFP iyo guddiga gurmadka abaaraha DKMG oo ka dhacay Muqdisho

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Mudaaharaad looga soo-horjeeday  barnaamijka cunnada adduunka ee WFP iyo guddiga gurmadka abaaraha DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka mudaaharaadka sameynayay ay ku dhawaaqayeen erayo cambaareyn ahaa.

Dibadbaxayaasha oo isugu jiray, haween, rag iyo caruura ayaa waxay socod ka billaabeen siligga Mareykanka oo ay dhawaan dageen dad kasoo barakacay degmooyinka Muqdisho qaarkood iyo iyo kuwo abaaro awgood uga yimid gobollada dalka qaarkood.

“Waxaan ku eedeynaynaa hay’adda WFP iyo guddiga gurmadka abaaraha ee dowladda Soomaaliya inay gargaarkii caalamku ugu talogalay dadka ku dhibaateysan ay lunsadaan,” ayay tiri Sacdiyo Maxamed Kadiye oo ka mid ah guddiga barakacayaasha dibadbaxa dhigayay.

Bannaanbaxayaasha ayaa waxay socodkooda ku tageen xafiiska hay’adda WFP ay ku leedahay magaalada Muqdisho, iyagoo codsaday in gargaarkii uu caalamku ugu talogalay ay sida loogu soo dhiibo u soo gaarsiiso dadka dhibaateysan.

Sacdiyo, ayaa u sheegay koox wariyeyaal ah oo kula kulmay goobta ay bannaabaxooda kusoo gabagabeeyeen inaan wax gargaar ah lasoo gaarsiin tan iyo markii ay dageen siliga Mareykanka, aaydoo sidoo kale xustay in guddiga gurmadka abaaraha ee dowladda Soomaaliya ay iyaguna wax gargaar ah soo gaarsiin.

Maamulka degmada Wadajir ay banaanbaxayaashu ku eedeeyeen inuusan wax xil ah iska saarin sidii ay gargaar ku heli lahaayeen. Ma jiro ma’suul ka tirsan DKMG ah, maamulka degmada Wadajir iyo hay’adda WFP oo ka hadlay eedeynta dibadbaxayaasha iyo cabashadooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya