Danjire Mahiga oo sheegay inuu jiro khilaaf xooggan oo soo dhex-galay hay'adaha DKMG Somalia

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Ergayga xoghayaha Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya danjire Agusitine Phillip Mahiga oo wargeysi siiyay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in khilaaf dastuuri ah uu soo dhexgalay hay'adaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in khilaafkan uu caqbad ku noqonayo howlgallada ay ku doonayso DKMG ah inay dib ugu qabsato dalka oo dhan iyo dagaallada ay kula jirto Xarrakatul Shabaab, wuxuuna sheegay in muddo kororsiga ay sameeyeen labada hay'adood ay beesha calaamku u aragto dhibaato culeyskeeda leh.

"Khilaafka dastuuriga ah ee sababay in hay'adaha dowladda ay muddadooda ku kororsadaan waa mid beesha calaamka walaac ku abuuray, isla markaana aysan aqoonsan doonin," ayuu yiri danjire Mahiga.

Baarlamaanka xad-dhaafka ah ee Soomaaliya ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan saddex sano ku kororsaday xilligiisa shaqo, iyadoo xukuumadda KMG ah ay iyaduna hal sano ku darsatay xilligeeda oo ku ekaa bisha Ogoosto ee sannadkan.

Danjire Mahiga, wuxuu sheegay in Qarammada Midoobay oo taageerta DKMG ah ay rumeysan in xilliga shaqo ee dowladda uu eg-yahay 20-ka Ogoosto ee sannadkan, balse aysan caddeyn waxa dhici doona marka xilligaas la gaaro.

"Nasiib-darro horumarka ay sameeyeen ciidamada DKMG oo gacanta ku haya 75% Muqdisho waxaa caqabad ku ah khilaafka cusub, waana mid dhabarka ka jabinaya horumarradii ay sameyn lahayd dowladda Soomaaliya," ayuu yiri Mahiga.

Ergaygu wuxuu sheegay in Qarammada Midoobay ay doonayso inay aragto bisha Luuliyo ee sannadkan in la qabto doorashooyinka madaxnimada Soomaaliya. Iyadoo aysan weli beesha caalamku aqoonsan muddo kororosiga baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa horay uga diiday in baarlamaanka hadda jira uu dooran karo madaxda dalka, isagoo sidoo kalena diiday xilli kororsigii ay xildibaannadu sida iskood ah ku sameysteen.

Danjire Mahiga oo ka hadlay muddo kororsiga baarlamaanka sida loo arko ayaa yiri: "Baarlamaanku wuxuu ka kooban yahay 550-xubnood kuwaasoo bil walba mushaar ahaan u qaata 600-dollar - laakiin hadda waxay isku dayayaan inay mushaar ahaan u helaan bil walba 1,500-dollar."

Ugu dambeyn danjire Mahiga wuxuu sheegay in beesha calaamka ay doonayso in muddo kororsiga baarlamaanka uu noqdo hal sano oo keliya, ayna ku doortaan dowlad cusub inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya